AUSTRALIA: Dibadbax lagu taageerayay Gabar Soomaaliyeed ah lagu kufsaday Nauru (Sawirro)

0
Tuesday October 20, 2015 - 09:49:55 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AUSTRALIA: Dibadbax lagu taageerayay Gabar Soomaaliyeed ah lagu kufsaday Nauru (Sawirro)

    Dibadbax ballaaran oo shalay ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Australia ayaa lagu taageeray gabadhii Soomaaliyeed ee dhawaan kufsiga loogu geystay dalka Nauru.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbax ballaaran oo shalay ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Australia ayaa lagu taageeray gabadhii Soomaaliyeed ee dhawaan kufsiga loogu geystay dalka Nauru.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
 

Gabadhan oo lagu magacaabo Abyan ayaa waxaa lagu kufsaday xero ku taalla jasiiradda Nauro, xeradaas oo ah mid ay dowladda Australia geeyaan qaxootiga iyo dadka kale ee magan-galyo doonka ah ee dalkaas gala.

Abyan ayaa toddobaadkii hore la geeyay Australia si looga soo rido uurka ilmaha ay ku qaadday kufsiga, iyadoo ka codsatay xukuumadda Australia kaddib markii cadaadis fara badan la saaray dowladda, gaar ahaan waaxda socdaalka, laakiin isla markiiba waxaa Abyan dib loogu celiyay meeshii laga keenay ee Nauru.

Dad badan oo Somali ay ku jirto ayaa isugu soo baxay xafiiska socdaalka ay ku leedahay magaalada Melbourne; iyagoo ka careysanaa arrinta Abyan, gabi ahaanna xiray ama xannibay illinkii laga soo galayey xafiiskaas. Waxaana dibad-baxan ka hadlay qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Faarax Warsame iyo Mama Halimo (Kaaraan), waxayna labadooduba mahad u celiyeen dadkii faraha badnaa ee taageerada ka muujiyay halkaas, iyagoo ku hadlayay magaca jaaliyadda Soomaalida.

Boqollaalka qof ee isugu soo baxay halkaas ayaa si xoog leh u muujinayeen shucuurtooda iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen ‘Ebyan dib ha loosoo celiyo, xeryaha Nauru ha la xiro’ iyo ereyo kale oo ay ku dhaleeceynayeen dowladda Australia iyo sida ay ula dhaqanto qoxootiga.

Ugu dambeyn Wareysi gaar ah oo ay Abyan siisay shabakadda HOL uuna si gaar ah ula yeeshay wariyaheenna Ibrahim Cumar Baafo ayaan  idin soo gudbin doonnaa haddii ALLE ogolaado.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
Baafo@hiiraan.com
Melbourne, Australia

xigasho:-hiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip