Kenya oo soo bandhigtay sawirrada shan qof oo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab

0
Tuesday October 20, 2015 - 18:27:57 in Wararka by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo soo bandhigtay sawirrada shan qof oo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab

    Hay'adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay sawirrada shan ruux oo Keenyaan ah oo mid ay haweeney ay tahay, kuwaasoo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, waxaana shantan qof ka mid ah ruux haweeney ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay sawirrada shan ruux oo Keenyaan ah oo mid ay haweeney ay tahay, kuwaasoo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, waxaana shantan qof ka mid ah ruux haweeney ah.
Shantan qof ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin xero ay Al-shabaab ku leedahay gudaha Somalia, balse sirdoonka Kenya ayaa sheegay in shantan ruux ay qorsheynayaan inay u soo taallaabaan gudaha dalka Kenya si ay weeraro uga fuliyaan.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo dalka Kenya ayaa baahiyay in Shamim Wanjiru Hussein oo ah ruuxa haweeneyda ah ee shantan qof ka mid ah loo tababaray inay fuliso weerarrada is-miidaaminta.

"Inkastoo aan la ogeyn xilliga ay weerarradan dhacaan, haddana ay dhici karto in Shamim ay u timaaddo qoyskeeda iyo saaxiibbadeed oo ku nool Nairobi, sidaa awgeedna waxaan shacabka weydiisanaynaa inay lasoo socodsiiyaan booliiska in ay lasoo socodsiiyaan mac-luumaad walba oo ku sabsan Shamim, si aan uga hor-tagno weerarrada Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha ammaanka dalka Kenya.

Ninka ay u dhaxdo haweeneydan oo lagu magacaabo Omar Patroba Juma oo sawirkiisa la baahiyay ayaa isagana la sheegay inuu ka tirsan Al-shabaab, uuna ka mid ahaa xoogaggii weeraray bishii Juune ee sannadkan xerada ciidamada Baure ee Lamu ku taalla.

Tuhmane ka mid ahaa ciyaartoy hore oo kubadda cagta ah ee dalka Kenya, Anwar Yogan Mwok oo loo yaqaanno, Jaysh Ayman oo Al-shabaab ka mid noqday sannadkii 2013-kii, iyadoo muddo dheer u dagaalamayay Al-shabaab.

Labada tuhmane ee kale ayaa kala ah; Ramadhan Kioko iyo Omar Owiti. Iyadoo hay’adaha ammaanka Kenya ay sheegeen inay xubnahaan ka qayb-qaateen weerarro ay Al-shabaab ka geysatay gudaha dalka Kenya.

Ugu dambeyn, weerarkii la sheegay inay xubnahan ka qaybgaleen ee Lamu ayaa lagu dilay 18-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan iyo saddex askari oo ka tirsan ciidanka millateriga waddanka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip