Midowga Yurub oo Malaayiin Doolar ku bixinaysa Dagaalka Al-Shabaab.

0
Tuesday October 20, 2015 - 19:32:05 in Wararka by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo Malaayiin Doolar ku bixinaysa Dagaalka Al-Shabaab.

    Midowga Yurub ayaa lacag dhan €165 million wuxuu siinayaa Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya laga wado ee AMISOM si ay dalka uga saaran Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub ayaa lacag dhan €165 million wuxuu siinayaa Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya laga wado ee AMISOM si ay dalka uga saaran Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Midowga Yurub iyo Midowga Africa ayaa heshiiskaasi kala saxiixday maalintii Isniinta ahayd, iyadoo lacagta loo soo marsiin doono Midowga Africa qeybta la socod nabadgalyada ee uu sameeyay Midowga Yurub (APF),waxaana hadafka uu yahay dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Horaantii sanadkaan ayaa Ciidamada Soomaliya iyo kuwa AMISOM waxay qaadeen howlgal balaaran oo dhul wayn oo ay Koonfurta ay kaga sugnayeen Al-Shabaab looga saaray gacantooda oo meelaha la xusi karo ka mid tahay Diinsoor iyo Baardheere.

Ambassador Smail Chergui oo ah mas”ulka Midowga afrika ee nabadgalyada iyo amniga u qaabilsan ayaa sheegay in lacagtaan AMISOM ka saacidi doonto sii wadista nbad galyada iyo xasilooni ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

Midowga Africa ayaa war uu soo saray wuxuu ku sheegay in lacagtaan lagu fududeyn doono dhinaca mushaaradka Ciidamada iyo lacagaha la siinayo ehalada ay askartooda uga dhinteen Soomaaliya.

Lacagahaasi sidoo kale waxaa lagu fududeeyn doona howlgalka dhinaca xeebaha iyo iyo agabka ay helaan askarta AMISOM.

Klaus Rudischhauser oo ah sarkaal u hadlay EU ayaa sheegay in lacagtaas ay ku bixinayaan inay dagto xaalada Soomaaliya.

Dhanka kale Midowga Yurub waa hay’adda ugu weyn ee hadda bixinaysa mushaaradka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

AU-and-EU-funds-640x350





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip