Guddoomiye Jawaari "Aniga diyaar uma ihi inaan noqdo saxiixe"

0
Monday October 19, 2015 - 18:24:09 in Wararka by
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Jawaari "Aniga diyaar uma ihi inaan noqdo saxiixe"

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu noqdo Saxiixe, sidoo kalena aysan jiri doonin wax la dhaho Saxiixayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu noqdo Saxiixe, sidoo kalena aysan jiri doonin wax la dhaho Saxiixayaal. Xubnaha maanta shirka u furmay ayuu kula dardaarmay in ay ka fikiraan waxa ay soo saari doonaan, isaga oo ballan qaaday in baarlamaanka uu taageeri doono wixii madashaasi laga soo saaro.

Seddaxda qodob ee ugu muhiimsan xilligaan waxa uu sheegay inay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka, Dimuqraadiyadeenta dalka, iyo Federaalka.

"Maanta waxaynu leenahay Dastuur, Aniga diyaar uma ihi inaan noqdo saxiixe, madaxweynahana sidoo kale, Baarlamaan ayaa jira mana jirayaan wax saxiixayaal la yiraahdo, baarlamaanka waxa uu diyaar u yahay go’aan kasto oo aad gaartaan inaan soo dhaweynno, hadii uusan Dastuurka waafaqsneyn xitaa waa la waafajin doonaa, laakiin waa in arrimaha aad soo xuleysaan ha noqdaan kuwo laga eegayo meelo badan” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Somaliya uu wada tashi joogto ah la yeelan doonaan Baarlamaanada Maamul Goboledyada.

"Baarlamaanka Federaalka gacan buuxda iyo wadatashi joogta ah ayuu la yeelan doonaa baarlamaanada maamul gobaleedyada kuwa jira iyo kuwa dhismi doona, waxaana diyaar u nahay in arrintaan aan fulinno”

"Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, ka gudubkeeda waxa uu ubaahan yahay midnim codkeena mid yahay, go’aanka aan gaareyno yahay mid maskax Soomaaliyeed kasoo shiilmay” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay gudoomiyaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip