Wararka

Madaxweynaha oo magaalada Addis Ababa uga qeybgalaya Shir Madaxeedkii 26-aad ee Midowga Afrika

0 Visits: 566 | Saturday January 30, 2016 - 00:07:31
Addis Ababa, 29 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Read More »

Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay

0 Visits: 745 | Friday January 29, 2016 - 23:59:04
Kadib dhageysi ay sameeyeen xubno ka tirsan xeer beegti maxkamad madani ah oo ku taala magaalada barakeysan ee Makkah iyo tijaabo DNA oo la qaaday , ayaa lagu ogaaday in gabar 35 sano jir ah aabaheed uu yahay nin Sacuudi u dhashay.

Read More »

Ban-ki Moon oo soo dhaweeyay go'aankii madasha wadatashiga qaran

0 Visits: 651 | Friday January 29, 2016 - 23:57:12
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku bogaadiyey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada heshiiski ay shalay ka gaareen habka lagu soo dhisayo baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelan doono sanadkaan 2016.

Read More »

Axmed Madoobe "Saddex bilood wixii nalaga sugayay markaan keeni weynay, waxay noqotay in naloo yeeriyo"

0 Visits: 592 | Friday January 29, 2016 - 23:45:16
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay ku fashilmeen in muddo saddex bilood ay gaaraan go'aan, taasna ay keentay in Beesha Caalamka ay wax u yeeriso, go'aankii dowladda Federaalkana ay ku raacdo.

Read More »

Somaliland oo sheegtay in aanay quseyn go'aanadii ka soo baxay shirkii Madasha

0 Visits: 676 | Friday January 29, 2016 - 23:43:37
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in aanay quseyn go'aanadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ee ahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadkan.

Read More »

Dawlada Canada oo Degenaasho Siisay Qoys Somaliyeed oo Sucuudigu u Diiday Ciqaamadahooda

0 Visits: 656 | Thursday January 28, 2016 - 20:29:37
ugu yaran 11-carruur soomaaliyeed oo agoon ah, muddo dheerna deggenaa dalka Sucuudiga, balse sharcigii loo diiday, ayaa deggenaansho ka helay dalka Canada, waxana ay markii ugu horraysay waxbarasho ka bilaabeen Dugsi ku yaalla magaalada Winnipeg ee dalka Canada.

Read More »

Barta Facebook ee bulshada caalamku ku xiriirto oo sheegay in ereyo Cusub ay soo Kordhinayaan

0 Visits: 716 | Thursday January 28, 2016 - 20:22:00
Barta Facebook-ga ee bulshada Dunidu ku xiriiraan ayaa dhawaan soo kordhin doonta Fal-celinno Cusub oo la mid ah ereyga 'Like' ee Qofku doorto marka wuxuu jeclaado uu ku arko barta Facebook-ga.

Read More »

Wiil uu dhalay Imaam Max'uud Imaam Cumar oo beeniyay War Warbaahinta qaarkeed ay baahisay

0 Visits: 777 | Thursday January 28, 2016 - 20:20:02
Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah wiil uu dhalay Imaamkii hore ee Mudulood ayaa maanta beeniyay in Imaamnimo loo Duubay, isagoo xusay in warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Shabakaddaha Af Soomaaliga wararka ku baahiya.

Read More »

Maxkamadda Madaxweynihii hore ee Ivory Coast oo Maanta ka billaabatay The Hauge (SAWIRRO)

0 Visits: 868 | Thursday January 28, 2016 - 20:14:00
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa maanta billowday inay dhageysto dacwadaha loo hayso madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast, Laurent Gbagbo, inkastoo uu isaguna dacwadaha loo haysto uu beeniyay.

Read More »

Faah-faahinta Qarax shalay ka dhacay Muqdisho

0 Visits: 817 | Thursday January 28, 2016 - 19:20:11
Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qarax shalay galab ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay ka dhacay meel u dhow guri uu degan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Dharkeynley Macalin Cabdulle Cali Hillowle.

Read More »

Jubbaland Maxay ka Qabtaa Go'aankii ka soo baxay shirka Wadatashiga

0 Visits: 738 | Thursday January 28, 2016 - 18:24:17
Jubbaland Maxay ka Qabtaa Go'aankii ka soo baxay shirka Wadatashiga2016 Maamulka Jubbaland ayaa si buuxda u taageeray go'aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee ku soo idlaaday Magaalada Muqdisho.

Read More »

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo dib ugu laabtay Boosaaso iyo banaanbaxyo ka dhacay Puntland

0 Visits: 695 | Thursday January 28, 2016 - 18:18:17
Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Bosaso, kadib markii uu soo gabagaboobay kulankii wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Read More »

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

0 Visits: 645 | Thursday January 28, 2016 - 17:58:46
Muqdisho, January 28, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Read More »

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley baroor-diiq loo sameeyay ciidan Kenya u dhashey oo Soomaaliya lagu dilay

0 Visits: 698 | Thursday January 28, 2016 - 17:51:05
Muqdisho, 28 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Eldoret ee dalka Kenya kaga soo qeybgaley baroor-diiq qaran oo loo sameeyay askartii dhowaan…

Read More »

R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador Abdillahi Siciid Cismaan oo Dalka Mareykanka ku Geeriyooday.

0 Visits: 725 | Thursday January 28, 2016 - 17:46:05
Muqdisho, January 28, 2016…..Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid…

Read More »

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

0 Visits: 776 | Thursday January 28, 2016 - 17:43:44
Muqdisho, 28 January 2016…..Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii…

Read More »

Sweden oo ku dhawaaqday inay dalkeeda ka ceyrineyso 80 kun oo qaxooti ah

0 Visits: 692 | Thursday January 28, 2016 - 17:38:19
Dowlada Sweden ayaa lagu wadaa in ay dalkeeda ka ceyriso ilaa iyo 80,000 oo dad magan galyo doon ah, ka gadaal marki codsiyadoodii qaxootinimada la diiday.

Read More »

Sudan oo fureyso xadka ay la wadaagto South Sudan

0 Visits: 767 | Thursday January 28, 2016 - 17:34:44
Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa amar ku bixiyey in la furo xadka uu dalkiisu la wadaago South Sudan, kaasoo xirnaa tan iyo sanadki 2011. Tallaabadani ayaa imaaneyso maalmo kadib marki ay dowlada tabarta daran ee South Sudan ku dhawaaqday in ay ciidankeedu kala soo baxeyso xadka ay la wadaagto…

Read More »

TACSI Ambassador Abdullahi Said Osman

0 Visits: 779 | Thursday January 28, 2016 - 17:31:26
Muqdisho, January 28, 2016 - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed " Kadiye" , Xoghayaha joogtada

Read More »

Kenya oo lagu eedeeyey gabood-fallo ka dhan ah Soomaalida

0 Visits: 779 | Thursday January 28, 2016 - 16:57:43
Hey'ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowlada Kenya in ay gashay gafaf iyo xaadgudubyo ka dhan ah bani,aadannimada sanadki tagay ee 2015.

Read More »