Madaxweynaha wuxuu warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Booliska Jakarta. Madaxweynaha waxaa sharaxaad laga siiyay sida ay hay’adaha ammaanku u fashiliyeen weeraradaasi iyo sida uu u ballaarnaa qorshaha Ururka Daacish.
Luhut Pandjaitan, Wasiirka Amniga Indonesia, ayaa tilmaamay yoolka Daacish in uu ahaa inay Magaalada Jakarta ka gaystaan, mid lamid ah weeraradii ay 13-kii bishii November ka gaysteen Magaalada Paris Ee Xarunta Wadanka Faransiiska.
Madaxweynaha oo baaq u diraayay dadka reer Indonesia, ayaa wuxuu ugu yeeray inay deganaansho muujiyaan, ka dib markii uu sheegay in la soo gaba gabeeyay kuwii weerarada soo qaaday.
Sidoo kale waxaa uu ku cago jugleeyay in Xukuumadda Jakarta ay si adag ula dagaalami doonto kooxaha argagaxisada, ee qorsheynaaya inay dhibaato ka gaystaan dalkaasi.
Madaxweynaha, ayaa ugu dambeen cadeeyay inay jiraan dad si dhow loola xiriirinaayo weeraradaasi oo gacanta lagu haayo, ayna hay’adaha amnigu wadaan baaritaano ka dhan ah xubnahaasi.
Madaxweyne Widodo oo booqday goobihii la weeraray ee Magaalada Jakarta (Daawo Sawirada)
Saacado ka dib markii laamaha ammaanka ay soo gaba gabeeyeen weeraradii shalayka dhacay Bartamaha Magaalada Jakarta, ayaa waxaa shalay galab soo kormeeray Joko Widodo, Madaxweynaha Qaranka Indonesia. Weeraradan oo masuuliyadoodu ay sheegatay Daacish