Turkiga oo 10 qof u soo qab qabtay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Magaalada Istanbul

0
Thursday January 14, 2016 - 10:48:21 in Wararka by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo 10 qof u soo qab qabtay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Magaalada Istanbul

    Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa illaa 10 qof u soo qab qabtay weerarkii ismiidaaminta, ee maalintii Talaadada ka dhacay Magaalada Istanbul. Weerarkan waxaa lagu dilay 10 qof oo dalka Jarmalka u dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa illaa 10 qof u soo qab qabtay weerarkii ismiidaaminta, ee maalintii Talaadada ka dhacay Magaalada Istanbul. Weerarkan waxaa lagu dilay 10 qof oo dalka Jarmalka u dhashay.

Warbaahinta Turkiga, ayaa qortay wixii ka dambeeyay qaraxaasi inay socdeen baaritaano xoog lihi, oo laamaha ammaanku ay kaga daba taggayeen dadkii soo abaabulay qaraxaasi, oo uu gaystay nin u dhashay dalka Suuriya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga, Efkan Ala, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in 10 ruux loo soo xiray weerarkaasi, isla-markaana ay socdaan su’aalo laga weydiinaayo, waxa ay ka ogyihiin weerarka.

Wasiirka, ayaa waxa uu weerarkan uu dusha kaga tuuray mid ay ka dambeysay Daacish. Wasiir Ala waxaa uu ku cago jugleeyay in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa Arbacadii sheegay in hay’adaha amnigu uu kala hadli doono, sidii lagu xoojin lahaa ammaanka goobaha dalxiiska ee Magaaladaasi Istanbul.

Nabil Fadli oo u dhashay dalkaasi Suuriya, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa ninkii fuliyay weerarka ismiidaaminta. Ninkan ayaa muddo yar uun ku sugnaa Turkiga, markii uu ka soo tallaabay xuduuda uu Turkigu la wadaago Suuriya.

Ururka Daacish iyo Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga (PKK), ayaa waxaa labaduba loo arkaa kuwa halis wayn ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka Turkiga, iyadoona uu Turkigu dagaal kula jiro garabyadaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip