Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin Ceel-Cadde

0
Friday January 15, 2016 - 17:18:00 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin Ceel-Cadde

    Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus Saldhig Milatari oo ay ciidamada AMISOM gaar ahaan dalka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade oo u dhow xadka dalka Kenya hase yeeshee 550km dhinaca Galbeed kaga beegan Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus Saldhig Milatari oo ay ciidamada AMISOM gaar ahaan dalka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade oo u dhow xadka dalka Kenya hase yeeshee 550km dhinaca Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Alshabaab ayaa weerarkan ku bilowday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka laga galo saldhigan milatari, kadibna waxa ay gudaha u galeen saldhigan Milatari.

Afhayeenka dhinaca howlgalada ururka Alshabaab Cabdcasis Abu Muscab ayaa sheegay in ay la wareegeen dagaalyahanadooda saldhigan.

"Dagaalyahanadeedna waxa ay gudaha u galeen saldhigan wayna qabsadeen,” ayuu yiri Abu Muscab oo intaa ku daray inay ka dileen Ciidamada Kenya in ka badan 50 askari.

Weerarkan oo ah kii ugu horeeyay oo noocisa oo kale ah oo lagu qaado saldhig ciidamad Kenya ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee weeraro noocan oo kale ah ayay ciidamada Alshabaab ku qaadeen saldhigyo Milatari oo ku yiil gobolka Sh/hoose oo ay ku kala sugnaayeen ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi, kuwaasoo dhimasho fara badan ka soo gaartay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip