Ninka tooreyda la geliyay ayaa aad u dhiig baxay, kadib markii uu waayay wax gurmad ah, waxaana taasi ay keentay inuu geeriyoodo.
Taliyaha Booliska Magaalada Nairobi Japheth Koome, ayaa sheegay in Booliska lagu soo wargeliyay dhacdadaan, kadibna Baaritaan ay ugu dhaqaaqeen.
Ciidamada ayaa waxa ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan haweenayda falkaasi dilka ah ka dambeysay, waxaana ugu dambeyn la dhigay Xabsiga, iyadoo bixisay macluumaadka ku saabsan sababta dilka ninka ka dambeysay.
Booliska ayaa sheegay inay soo badanayaan dhacdooyinka la xiriira falalka dilalka ah ee ay isku geysanayaan lamaanaha isqaba iyo kuwa xiriirka Haasaawaha uu ka dhaxeeyo
Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay Haweenay dishay Nin ay Saaxiibo ahaayeen
Ciidamada Booliska ee Magaalada Nairobi, ayaa qabtay haweenay fulisay fal dil ah, kadib markii ay dishay nin ay saaxiibo ahaayeen, kaasi oo guri ku yaallo magaalada Nairobi ay ku wada haasawayeen.