Jaamacadda Carabta oo soo saartay qodobo xasaasi ah oo lagu taageeray Somaliya

0
Thursday January 14, 2016 - 11:05:13 in Wararka by
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Carabta oo soo saartay qodobo xasaasi ah oo lagu taageeray Somaliya

    Bayaan uu soo saaray Baarlamaanka Wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa lagu sheegay in laga hortaggo kala qaybsanaan ku timaada Somalida dhexdeeda, iyadoo la ilaalinaayo midnimada Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan uu soo saaray Baarlamaanka Wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa lagu sheegay in laga hortaggo kala qaybsanaan ku timaada Somalida dhexdeeda, iyadoo la ilaalinaayo midnimada Somaliya.

Bayaankan, ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Somaliya, bacdamaa ay Somaliya xubin ka tahay 22-ka wadan ee jira Dallada Jaamacadda Carabta.

Bayaanka, ayaa waxaa ku qornaa qodobo muhiim ah oo taageero wayn loogu muujiyay madax bannaanida iyo nabadgelyada Somaliya.

Qodobada Bayaanka, ayaa u qornaa:-

In laga hortaggo kala qaybsanaan Somalida dhexdeeda ah

In la xaqiijiyo, lana raadiyo midnimada iyo wadajirka Ummada Somaliyeed

In dib u heshiisiin loo sameeyo dhinacyada Somalida, si ay isugu soo dhawaadaan

In lala dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo kooxaha kale ee diidan midnimada Somaliya

In ay muhiim tahay ilaalinta badda iyo xasiloonida Somaliya

In laga hortaggo cid kasta oo damacsan inay fara-gelin ku samayso madax bannaanida Somaliya.

Bayaankan wuxuu ku soo beegmayaa xilli xasaasi ah, waxaana xusid mudan in Kenya si xoogan loogu eedeeyay inuu damac ka soo galay qayb ka mid ah badda Somaliya. Bayaanku wuxuu hiil u yahay Somalida oo idil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip