Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda ka qeyb galeysa shirka Kismaayo inay Tanaasul sameeyaan

0
Friday January 15, 2016 - 19:39:50 in Wararka by
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda ka qeyb galeysa shirka Kismaayo inay Tanaasul sameeyaan

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda ka qeyb galeysa shirka Kismaayo inay tanaasul sameeyaan, si loo gaaro go'aano dhaxal gal ah oo looga bixi karo marxalada siyaasadeed ee hada lagu jiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda ka qeyb galeysa shirka Kismaayo inay tanaasul sameeyaan, si loo gaaro go'aano dhaxal gal ah oo looga bixi karo marxalada siyaasadeed ee hada lagu jiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isla gaaro wax macquul ah oo u cuntamaya shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la eego mar walba masaaliixda umadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in talooyinka lagu go’aaminayo shirka la doonayo inay noqdaan wax wanaagsan, si sanadaha soo socda dalka u gaaro horumar, isagoo tilmaamay in mar walba loo baahan yahay tanaasul.

"Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo tanaasul, in la gaaro go’aan mideysan oo dalka wax ka bedeli karta marxalada uu hada ku sugan yahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirka Kismaayo laga filayo rajo wanaagsan, isla markaana ay ka soo baxdo hanaan doorasho ee la doonayo inay dalka ka dhacdo.

Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb galeysa ayaa tan iyo xalay u socday kulamo gaar gaar ah, waxaana jira yididiilo ku saabsan natiijada shirka in Madaxda ay gaaraan go’aan mideysan, iyadoo gaba gabada shirka laga soo saari doono war murtiyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip