"Weerarada naf la caariga ah ee kooxaha Argagaixisadu ka geysanayaan dalkeena, marna uma hakan doonaan in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM wada jira dalka uga sifeeyaan cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kan gobolka”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka.
Sidoo kale War saxaafadeedka laguma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda weerarkaas ku gaaray, inkastoo Afhayeen u hadlay Al-Shabaab uu sheegay inay ka dileen Ciidamada Kenya 60 askari
"Cadowga Ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in tilaabooyinkan qalafsan aysan noqon doonin kuwa looga haro, Ciidankuna diyaar u yihiin ka difaacaan dalka iyo dadkaba kooxaha nabad-diidka ah”ayuu yiri Jen. Diini.
Al-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay weerar xoogan ku qaaday saldhigyo Ciidamada Uganda iyo Burundi ku lahaayeen Shabeellaha Hoose, waxayna weeraradaas ahaayeen qaab cusub, iyagoo cudud ciidan u adeegsanayay, xerooyinka ay degan yihiin ku weeraray boqolaal dagaalyahano oo ay aad u carbiyeen.
Wasiirka Gaashaandhigga Jen. Diini oo ka hadlay weerarkii Ceel-Cadde
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa cambaareeyay weerarkii saaka waabarigii Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.