Midowga Yurub oo gebi ahaanba isaga baxay dhulka Somaliland (Waa maxay sababta?) + Video

0
Thursday January 14, 2016 - 12:03:12 in Wararka by
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo gebi ahaanba isaga baxay dhulka Somaliland (Waa maxay sababta?) + Video

    Ururka Midowga ayaa isaga guuray gebi ahaanba xaruntii uu ku lahaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Dowlada iyo xisbiyada mucaaradka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga ayaa isaga guuray gebi ahaanba xaruntii uu ku lahaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Dowlada iyo xisbiyada mucaaradka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in iyagu inta ay ka war hayaan midowga Yurub aanu ka guurin xarunta uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, isagoona sheegay in Midowga Yurub uu xaq u leeyahay inuu meesha uu doono u guuri karo.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Midowga Yurub ayaa inta badan howlihiisa u soo wareejiyay magaalada Muqdisho oo uu ku leeyahay xarunta ugu weyn, iyadoo la ogaaday in Midowga Yurub uu ka guuray magaalada Hargeysa bishii Disembar ee sanadkii aynu soo dhaafnay 2015-ka.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa iyagu sheegay guuritaanka Midowga Yurub ee magaalada Hargeysa ay muujineyso hoos u dhac ku yimid xiriirka Dowladda Somaliland ay la leedahay beesha caalamka.

Dhinaca kale ururka Midowga Yurub ma jirto wax war ah oo uu ka soo saaray ka guuritaanka xaruntii uu ku lahaa magaalada Hargeysa oo iminka ay ku howlgasho hay’ad Jarmalka laga leeyahay oo lagu magacaabo GTZ isla markaana howlo kala duwan ka wadda Somaliland.

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip