Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Ceel-Cadde iyo Askar Kenyan ah oo lagu la'yahay

0
Friday January 15, 2016 - 19:25:17 in Wararka by
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Ceel-Cadde iyo Askar Kenyan ah oo lagu la'yahay

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saaka waabarigii hore Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saaka waabarigii hore Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Weerarkaas oo ku bilowday qarax ismiidaamin loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kadibna dagaalyahano fara badan oo boqolaal ahaa ayaa xerada dhowr jiho ka weeraray.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay kula wareegeen xerada, isla markaana ay ka dileen illaa lixdan askari.

"Saaka dagaalyahanadeena waxay weerar najaxay ku qaadeen Ceel-Cadde oo fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya, waxaa weerarkaas kaga dilnay 63 askari, gaadiid fara badan kaga qabsanay iyo bakhaaro hub ku jiray, waxaa la wareegnay saldhiga”ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa sheegay in guutada weerarkan qaaday loogu magac daray Saalax Nabhaan oo ka soo jeeday Kenya, kaasoo horey weerar Mareykanka ka fuliyeen koofurta Soomaaliya lagu dilay sanadkii 2009-kii.

Dadka deegaanka Ceel-Cadde ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid aad u xooganaa oo ka duwanaa dagaaladii hore deegaanka uga dhacayay, isla markaana uu dhowr jeer la isku noqsaday, shan saac ka badana uu socday.

Milateriga Kenya ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday xero ciidamada dowladda Soomaaliya degenaayeen, ayna u soo gurmadeen, inkastoo aanay ka hadlin khasaaro dhankooda ka soo gaaray.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa iyana u sheegay warbaahinta maxaliga ah in ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Kenya ay firxadeen, isla markaana duurka ku maqan yihiin.

Diyaarado Helicopter ay leedahay Kenya ayaa la sheegay inay baadigoob ugu jireen ciidamada la la’yahay, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Milateriga Kenya.

Weerarkan lagu qaaday xerada Ciidamada Kenya ayaa la mid ahaa weeraro sanadkii la soo dhaafay Al-Shabaab ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan fariisimo Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi ku lahaayeen deegaanada Janaale iyo Leego, halkaasoo lagu dilay askar fara badan.
Xigasho Jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip