Yaa Dooranaya Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe?

0
Thursday January 14, 2016 - 12:13:31 in Wararka by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Dooranaya Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe?

    Iyadoo si rasmi ah Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe uu kaga furmay Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa dadka waxa ay isweydiinayaan cida soo dooranaysa Madaxweynaha Maamulkaan la dhisaayo uu yeelan doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo si rasmi ah Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe uu kaga furmay Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa dadka waxa ay isweydiinayaan cida soo dooranaysa Madaxweynaha Maamulkaan la dhisaayo uu yeelan doono.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaliya C/laahi Maxamuud Xasan (Azharri) ayaa sheegay kaalinta Ergooyinka Shirka inay tahay kaliya soo xulida Xildhibaanada uu yeelanaayo Baarlamaanka Maamulka.

Waxa uu sheegay Doorashada Madaxweynaha inay tahay shaqo u taallo Xildhibaanada la soo xulo, islamarkaana aysan jirin in Ergooyinka ay dooranayaan Madaxweynaha.

"Waxaa Dooranaya Madaxweynaha Xildhibaanada, Ergooyinka Xildhibaanada ayeey soo xulayaan, Xildhibaanadana Madaxweynaha ayeey dooranayaan.” Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha oo la hadlay Idaacada Mustaqbal.

Dariiqa loo maraayo dhismaha Maamulkaan ayaa la mid ah kii Galmudug oo kale, maadaama Galmudug Xildhibaanada ay doorteen Madaxweynaha, kana uu la mid yahay Sidaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaliya ayaa sheegay howsha inay u socoto sidii loogu talo galay oo aysan jirin caqabad hor taagan dhismaha Maamulkaan.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalin ka hor Magaalada Jowhar ka furay shirkaan, inkastoo ay jiraan Odayaal reer Hiiraan ah oo diidan ka qaybgalka Shirkaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip