Sarkaal codsaday inaan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in dagaalka ay ka qayb qaateen gaadiidka dagaalka.
Dagaalka, ayaa muddo hal saac ah ka soconaayay banaanada hore ee hoyga Xasan Jaamici, waxaana la soo sheegayaa in dagaalku uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo ay adag tahay in la helo faah faahin ku aadan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.
Dadka ku dhaqan Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir iyo Hodan, ayaa waxay qaarkood kuu sheegayaan inay saqdii dhexe xalay ku soo tooseen dagaalka ka dhacay aagga Ex Control Afgooye.
Yaxye Nuur Ibraahim oo ka mid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga Jaamacadda Gaheyr, ayaa Dhacdo.com u sheegay in ay hurdada kaga soo baraarugeen hugunka daryanka rasaasta cul culus, oo sida uu sheegay dagaalka leesku adeegsaday.
Dagaalkan waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli toddobaadkii hore ay ciidan ka wada tirsan Ciidamada Dowladda, ay isku dagaaleen Degmada Hodan, dagaalkaasoo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.
XIGASHO;-DHACDO.COM
Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
Dagaalkan, ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Ex Control Afgooye iyo xaafadda Macalin Nuur ee Degmada Dharkiinley, iyadoona uu u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya.