
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA JANNAAYO 2016-KA
Xarunta maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo oo loo soo galbiyay wafdiga Mada xweynaha ayaa waxa uu kulan kula qaatay madaxda maamulka Jubaland, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa Kismaayo.
"Waxaan halkaan u imid sidii aanu wadajir uga wada shaqeyn laheen masiirka dalka, maad aama halkaan uu ka furmayo shirka madasha wada tashiga qaran” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlayay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in go’aanka lagu gaaro magaalada Kismaayo oo ay wada aqbalaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka uu yahay midka maslaxadda u ah dadka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu shalay ugu yimid, isagoona sheegay in maalinta berri ah uu furmayo shirka madasha wada tashiga Qaran.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAANTA KISMAAYO KA FURAYA MADASHA WADATASHIGA QARANKA
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxam uud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kism aayo, halkaas oo uu maanta ka furi doono Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono qaabka doorasho ee ku habboon waddanka.
Shirka Madasha Wadatashiga ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Mada xweyneyaasha dowlad goboleedyada, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Puntland, Cabdiweli Maxamed cali Gaas, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamanka, Mahad Cawad Cabdalla iyo madax kale.
Shirkan ayaa la filayaa in madaxda iyo ka qeybgaleyaasha kale ay isku dhaafsadaan aaraa la xiriira Hiigsiga 2016-ka oo barnaamijka ugu weyn uu yahay kan siyaasadda iyo nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam , xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowlad da Federaalka, iyo mas’uuliyiin kale.
FANAANIIN DEEQ LACAGEED GAARSIIYAY FANAAN CABDI TAHLIIL WARSAME OO MUQDISHO KU XANUUN SANAYA
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari, Mas’uuliyiinta Golaha Murtida, Madadaallada Qaranka ee National Theatre iyo Hay’adda wacyi gelinta Bulshada ee CCA ayaa shalay deeq lacag ah gaarsiiyay qaar ka mid ah fanaaniinta Hobollada Qaranka Waab ari oo dalka ku xanuunsanaya iyo sidoo kale Carruurtii ay ka tageen qaar ka mid ah fanaaniintii Soomaaliyeed ee geeriyootay.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta oo ay wehliyaan fanaaniintan ayaa gurigiisa ku booqday Fanaanka Cabdi tahliil warsame oo ku Xanuunsanaya Magaaladda Muqdisho.
Agaasimaha Hobollada Qaranka Waabari Maxamed Xasan Barrow ayaa faah faahiyay fan aaniinta shalay deeqdan soo gaarsiiyay.
"Fanaaniinta Hodan Cabdiraxman Dheere, Axmed Rasta Idil Caddow Iidle Yare Xasan Cujeeri oo dibadda nooga yimid ayaa deeqdaan soo gaarsiiyay” Ayuu yiri Barrow.
Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi gelinta Bulshada ee CCA Maxamed Cajiib Ibraahim Cali ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay caawiyaan fanaaniinta Sooma aliyeed ee xanuunsan.
GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR OO KA QEYB GALAY BARNAAMIJ WACYI GALIN AH OO LAGU QABTAY MUQDISHO
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Shalay Muqdisho waxaa uu kaga qayb galay Barnaamij wacyi galin ah oo loo qabtay Sagaal Dagmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Barnaamijkaan wacyigalinta ah ayaa ku saabsan fududeynta iyo hore u wadida Waxbarash ada Madaniga ah oo hirgalinteeda ay iska kashanayaan Ururka Kaah Relief and Development.
Guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la dardaarmay Dadweyne laga soo kala xulay Sa gaalka Dagmo ee shalay Tababarka wacyigalineed loo furay, iyadoona lagu kala qabtay Xarumah Dagmooyinka Cabdicasiis iyo Shibis.
Ururka Kaah Relief and Development Org iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maalma haan waday qorshe lagu hirgalinayo Waxbarashada Madaniga ah oo Dagmooyinka Gobolka Bana adir laga Fuliyo.
MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OBAMA OO JEEDIYAY KHUDBADDIISII TODDOBAAD EE UGU DAMBEYSAY
Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa habeen hore jeediyay khudabad diisii toddobaad ee Qaranka, taa soo ahayd tii ugu dambeysay ee uu jeediyo, isagoo ka hadlay gu ulihii uu gaaray muddadii uu xilka hayay, isagoo diirada saaray mustaqbalka Mareykanka.
Obama oo hortaagan xubnaha Congresska Mareykanka ay aa wuxuu u muquday nin degen, isagoo tilmaamay baahida loo qabo in dalka Mareykanka uu ka bogsoodo siyaaasadda sida qot ada dheer u kala qaybisay dalka Mareykanka.
Sidoo kale, Obama wuxuu dhaleeceeyay xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee u baratamaya sidii ay isaga ugala wareegi lahaaye en Xilka. Wuxuuna yiri. "Siyaasiyiinta Dadka ku beegsaday sababo la xiriira Jinsigooda iyo Diintooda.” Kaasoo u muuqday inuu ku Weeraray, Donald Trump oo horay u sheegay in dadka muslimiinta ah laga horjoogsado inay soo galaan dalka Mareykanka.
"Marka siyaasiyiintu waxay Aflagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la Weerarro ama ciyaalka la badawsado, taasi na nagama dhigeyso Amaan, waana mid khalad ah,” ayuu Obama ku yiri khudbadiisa.
Dhanka kale, Obama ayaa kuwa isaga kasoo horjeeda ku Weeraray arrimaha Dhaqaalaha, isa goo yiri. "Qof kasta oo ku doodaya inuu Dhaqaalaha Mareykanka hoos u dhacayo, waa qof ku sugan xaalad qiyaaali ah.”
Mar uu ka hadlayay siyaasada arrimaha dibadda ee Mareyk anka ayuu qiray halista kooxaha Argagixisada ah, sida ururka ISIS oo caalamka ka fuliyay weerarro badan oo dhimasho leh. Balse wuxuu sheegay in xagjiriinta Islaamiga ah aysan halis ku ahayn jiritaanka caalamka, wuxuuna u digay kuwa sheegaya inuu soo socodo dagaalkii saddexaad ee Caalamka.
Ugu dambeyn, Barakac H. Obama ayaa Xafiiska ka tagaya bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2017-ka, iyadoo shacab ka Mareykanka ay dooranayaan bisha November ee 2016-ka madaxweyne cusub oo bedeli doona Barack Obama oo muddo siddeed sannadood ah.
WASIIR ODOWAA OO ARRIMO DHOWR AH KA DALBADAY ERGADA SHIRKA JOWHAR
Dowladda Federaalka ayaa dalabkii ugu horeeyay hor dhigtay ergada shirka uga furmay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe inay keenaan soo jeedino ku saabsan nidaamka maamulka labada gobol uu ku dhaqmayo.
Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo khudbad ka jeedinayay furitaanka shirka maamul u sameynta ee darraad ka furmay magaa lada Jowhar ayaa ballanqaaday in wasaaradiisu gacan ka geysaneyso dardar gelinta howlaha ma amul u sameynta.
"Ergada shirka ka qeyb galeysa waxaan ka codsaneynaa inay keenaan astaanta uu yeelan ayo maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, sida calanka iyo astaanta miyuusiga” ayuu yiri C/raxmaan Odowaa.
Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu ka ballanqaaday madaxweyne Xasan Sheekh hortiisa ina ysan wax niyad xumi ah ku imaan doonin shirka ka furmay magaalada Jowhar, isagoona tilmaam ay inay aad u yar yihiin ergada shirka ka qeyb galeysa.
C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in dadka u dhashay gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe intooda badan ay Muqdisho ku maqan yihiin, hase yeeshee wuxuu caddeeyay inay dadkaasi dib ugu soo celinayaan goboladooda.
15 KU DHIMATAY WEERAR ISQARXIN LAGU QAADAY XARUNTA TALAALKA POLIO OO KU TAAL PAKISTAN
Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay, tiro kale waa ay ku dhaawacmeen, markii qof isa soo miidaamiyay uu weeraray goob ku dhow xarunta talaalka cudurka dabeysha ee koofur galb eed dalka Afghanistan.
Shaqaalaha Cudurka dabeysha ayaa muddooyinkii u dambeeyay bartilmaameed u ahaa kooxda Taliban, iyadoo shaqaale badan lag dilay.
Weerarkan ayaa yimid xilli shaqaalaha ka qeyb qaadanayay howsha Talaalka ay isu diyaari nayeen inay aadaan goobaha uu ka socdo talaalka cudurka dabeysha.
Xoogaga Taliban iyo kooxaha kale ee Islaamiyiinta ayaa u arka mashruuca cudurka tal aalka cudurka dabeysha mid ay wataan reer Galbeedka oo ay doonayaan inay ku yareeyaan dhalmada.
Pakistan iyo Afghanistan ayaa ah labada dal ee uu wali ka jiro cudurka dabeysha ee Polio, waxaana sanadihii dhowaa ay hey’adaha caafimaadka ka wadeen talaalka cudurka dabeysha.
IRAN OO QABATAY DOOMO LAGA LEEYAHAY DALKA MAREYKANKA
Ciidamada Iran ee badda ka howlgala ayaa gacanta ku dhigay labo Doomood oo laga leeyahay dalka Iran iyo dadkii la socday, kadib markii ay sheegtay Iran inay ku soo xadgudbeen si sharci darro ah biyaha dalkaasi.
Doomahan oo ay leeyihiin ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa qabashada ay qabatay Iran waxaa xaqiijiyay Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka ee Pentagon oo sheegtay inay rajeynayso in Iran ay soo dayso Doomahaasi.
Doomahan ayaa ku socday dalka baxrayn waxayna ka yimaadeen dalka Kuwait, xilliga ciid amada Badda Dalka Iran ay gacanta ku dhigaayeen.
"Doomaha waxaa gacanta ku dhigay Iran, laakiin waxaan xaqiijinaynaa inay badqabaan dhamaan dadkii la socday Doomahaasi, waxaana rajeynaynaa in Iran ay si nabad ah ku sii deyn doonto.” Ayuu yiri Sarkaal u hadlay Wasaarada Difaaca Mareykanka.
Lama oga Iran waxa ay ka yeeli doonto doomahan ay gacanta ku dhigeen ciidamadooda ka howlgala badda.
Iran ayaa waxaa ku fur furan Jahwareer Siyaasadeed, kadib markii ku dhawaad 10 Dowlad ood oo Jaamacada Carabta ka tirsan ay si buuxda ula safteen Dowladda Sacuudiga, xilli Iran iyo Sacuudiga Xurguf Siyaasadeed ay ka dhaxeyso
TALIYE KUXIGEENKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYA OO BOOQDAY XERADA TABABARKA CIIDAMADA EE CARMO
Saraakil boolis oo u horkacayo,taliye kuxigeenka booliska Soomaaliya,Jeneral Muqtaar Xuseen Afrax ayaa booqasho looga dan lahaa ka warqabka kuliyadda tababarka ee ciidamada ku tagay degmada Carmo,sida an ka soo xiganay taliska booliska.
Waxaa waheliyay taliye kuxigeenka Guddoomiye kuxigeenka Degmada Carmo, Taliyaha kulliyadda Ciidanka Boliiska Degmada Carmo,waxaana ay booqden dhamman qaybaha ay ka koo bantahay xerada oo ay tababarro ku qaatan ciidamada booliska.
"Waxaan halkan u nimid,sidii an ugu korgali lahaayeen,baahiyaha xerada,waxii an aragn ayna waxaan u gudbinayna madaxda sare ee dowladda,”ayuu yiri taliye kuxigeenka booliska oo warbaahinta la hadlay.
Kiliyadda Carmo,waxaa ay ka midtahay xerooyinka ugu weyn ee dalka oo tababarro lugu siiyo ciidamada gobolka iyo booliska dowladda dhexe ee Soomaaliya.
XUKUUMADDA ITOOBIYA OO SHAACISAY IN LA JOOJIYAY QORSHIHII LAGU BALLAARINAYAY ADDIS ABABA
Xukuumadda Itoobiya ayaa joojisay qorshayaashii ay ku doonaysay inay ku ballaariso xudu udaha magaalada Addis Ababa, kaddib Dibadbaxyo ay bilooyinkii u dambeeyay dhigayeen qomiyadda Oroma oo kasoo horjeeda Qorshahan.
Dibadbaxayaasha kasoo jeeda gobolka Oromo ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku eede eyeen xukuumadda Itoobiya inay doonayso inay barakiciso beeraleyda ka soo jeeda gobolkooda.
Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Calaamka ayaa sheegay in Qiyaastii 140qof oo shacab ah lagu dilay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Itoobiya, iyagoo sheegay inay dadkan toogasho ku dileen ciidamada ammaanka Itoobiya.
Xisbiga maamula Gobolka Oromo ayaa isna sheegay in qorshayaas la tuuray kaddib Wad ahadallo lala yeeshay shacabka Oromada. Iyadoo madaxda xisbiga OPDO ay Warbaahinta u she egeen in go’aankan uu yimid wadahadallo socday muddo saddex maalmood ah.
Sidoo kale, xisbiga OPDO oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Addis Ababa ayaa la sheegay inay Qorshahan lagu ballaarinayo Caasimadda si wadajir ah u wadeen, isla ma rkaana ay go’aankan lagu joojiyay qorshaha ballaarinta Addis Ababa hormuud u yihiin.
Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ah qowmiyadda ugu ballaaran bulsho ahaan iyo deegaan ahaan, waxayna ku nool yihiin deegaannada ku hareeraysan Magaalada Addis Aba ba ee xarunta dalka Itoobiya.
Dhanka kale, Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in tirada dhimashada mudaaharaa dyadii ka dhacay Itoobiya ee hay’adaha Xuquuqda Aadanuhu baahiyeen ay yihiin kuwo xaqiiqada ka fog, iyagoo sheegeen mas’uuliyiin u hadashay xukuumadda Itoobiya inay dhibteen shan qof oo keliya.
Safiirka Itoobiya ee Britain, Abiy Berhane ayaa BBCda qaybta Afrika la hadasha ee Focus on Africa u sheegay in Xukuumaddu ay ka fogaanayso iskudhacyo ka dhaca gudaha Dalka Itoo biya, isagoo xusay in dibadbaxaya ay doonayaan in ay dalka ka dhacaan Rabashado iyo is kudhacyo dhexmara bulshada Itoobiya.
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshahan ay fulin doonaan markii xiisadda hadda taagan laga gaaro heshiis buuxa. Iyadoo mucaaradka Oromada ay sheegeen in go’aankaan cusub ee dowladda Itoobiya uu yimid xilli dhibaatooyin badani ay dhaceen.
Ugu dambeyn, Mudaaharaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu waaweynaa ee wadanka Itoobiya ka dhaca muddo sanado ah, iyadoo Qowmiyadda Oromada lagu tilmaamay inay tiro ahaan gaarayso 25 milyan marka loo eego tirada guud ee shacabka Itoobiya oo gaaraysa 74 milyan oo qof.
JOHN KERRY OO SHEEGAY IN IRAN AY DARYEEL U FIDISAY CIIDAMADII MAREYKANKA AY QABATAY
John Kerry, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu si diiran uu u soo dhaweeyay tallaabada ay Iran ku sii daysay 10 ka mid ah Ciidamada Badda Mareyk anka.
Ciidamadan, ayaa waxaa Talaadadii gacanta ku dhigay Ciidanka Badda Ee Ilaalada Kaca anka Iran, markii ay cilad ku timid mid ka mid ah laba doomood oo ay la socdeen, iyagoona guda ha u soo galay Badda Iran.
Xoghayaha oo Arbacadii la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in Iran ay si wanaagsan ula macaamishay 10ka askari, mudadii ay gacanta ku haysay.
"Waxaa naloo sheegay in shaqaalahaynii doomahaasi la socday si wanaagsan loo darye elay, lana siiyay bustooyin ay ku seexdaan, raashiin iyo wax kastaa oo ay u baahnaayeen.” Ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.
John Kerry, ayaa waxa uu Iran kaga mahadceliyay jawaabta deg degga ihi ee ay ka bixisay sii daysmada askartaasi, isagoo xusay in si niyadsan uu amuurtaasi u soo dhawaynaayo.
"Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Iran, sida wanaagsan ee ay noola shaqeysay iyo jawaabta deg degga ay arrintan ka bixisay. Waxaan aad ugu faraxsanay, oo aan ugu niyadsama hay jawaabta deg degga ee ugu haboon ee Iran.” Ayuu yiri John Kerry.
Telefishinka Iran, ayaa waxaa laga sii daayay in tallaabada lagu sii daayay askarta Mare ykanka, ay ka dambeysay markii Xukuumadda Washington ay raaligelin ka bixisay ku xadgudu bka Badda Iran.
TURKIGA OO 10 QOF U SOO QAB QABTAY WEERARKII ISMIIDAAMINTA EE KA DHACAY MAGAALADA ISTANBUL
Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa illaa 10 qof u soo qab qabtay weerarkii ismi idaaminta, ee maalintii Talaadada ka dhacay Magaalada Istanbul. Weerarkan waxaa lagu dilay 10 qof oo dalka Jarmalka u dhashay.
Warbaahinta Turkiga, ayaa qortay wixii ka dambeeyay qaraxaasi inay socdeen baaritaano xoog lihi, oo laamaha ammaanku ay kaga daba taggayeen dadkii soo abaabulay qaraxaasi, oo uu gaystay nin u dhashay dalka Suuriya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga, Efkan Ala, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in 10 ruux loo soo xiray weerarkaasi, islamarkaana ay socdaan su’aalo laga weydiinaayo, waxa ay ka ogyihiin weerarka.
Wasiirka, ayaa waxa uu weerarkan uu dusha kaga tuuray mid ay ka dambeysay Daacish. Wasiir Ala waxaa uu ku cago jugleeyay in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah arg agaxisada.
Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa Arbacadii sheegay in hay’adaha am nigu uu kala hadli doono, sidii lagu xoojin lahaa ammaanka goobaha dalxiiska ee Magaaladaasi Istanbul.
Nabil Fadli oo u dhashay dalkaasi Suuriya, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa ninkii fuliyay weerarka ismiidaaminta. Ninkan ayaa muddo yar uun ku sugnaa Turkiga, markii uu ka soo tallaabay xuduuda uu Turkigu la wadaago Suuriya.
Ururka Daacish iyo Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga (PKK), ayaa waxaa labaduba loo arkaa kuwa halis wayn ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka Turkiga, iyadoona uu Turkigu dagaal kula jiro garabyadaasi.
MARKAB SIDA QALAB LAGU BALLAARINAYO DEKEDDA BOOSA ASO OO KU SOO XIRTAY DARAAD
Dekedda caalamiga ah ee M/Boosaaso oo aan wax dayactir ah helin muddo 25sano ah ayaa iminka waxaa dhowaan la bila abayaa in lagu sameeyo dib u habeyn casri ah, iyadoo markab weyn oo sida qalabkii howlahaasi lagu fulin lahaa oo ku soo xirt ay marsada dekedda Boosaaso.Markabkaan oo ah nooca xam uulka qaada ayaa waxaa ku raran biro badan badan oo lagu day actirayo dekedda Boosaaso, iyadoo halkaasi ay ku soo dhowee yeen madax ka tirsan maamulka Puntland.
Horumarka Shiinaha ka wado dalalka Afrika oo soo gaaray mid ka mid ah gobolada Soomaaliya Madaxweyne K/Xigeenka maa mulka Puntland C/Xakiim Cumar Cam ey, Wasiiro iyo saraakiil ku sugan deke dda Boosaaso ayaa sheegay in markab kaan uu sido qeyb ka mid ah qalabka la gu dayactirayo dekeddaasi, iyagoona sheegay inay jiraan shixnado kale oo qalab kala duwan inay dho waan soo gaarayaan dekedda.
Eng. C/Xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa saxaafadda u sheeg ay in dekedda Boosaaso hoos loo qo dayo 13mitir, si maraakiib ta waaweyn ay ugu soo xirtaan deked da.Wasiirka dekedaha ga adiidka badda iyo la dagaalanka bur cad badeeda Puntland C/ll aahi Jaamac Saalax ayaa isna shee gay inay tahay farxad dib u casriyeynta lagu bilaabay dekedda Boosaaso, bacdamaa mark abkii ugu horeeyay oo sida qalab u sida dekedda daraad soo xirtay.markab
ASKARI KA TIRSAN BOOLISKA KENYA OO MOMBASA LAGU DILAY, QORIGII UU WATAY IYO LACAGNA LAGA QAATAY
Askari ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa lagu to ogtay Bartamaha Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kadib markii rag hubaysan oo aanan haybtooda la aqoonin ay dileen Askarigaasi.Askariga la dilay ayaa lagu toogtay xaafada Likoni ee Magaalada Mombasa ee Gobolka xeebta, xilli uu ku sii jeed ay Saldhiga uu shaqada kaga qornaa.
Rag hubaysan oo Bistoolado wata ayaa Askariga toogtay, kadibna waxa ay ka qaateen qorigii uu watay ee uu ku shaqeyna ayay, iyaga oo meesha ay Askariga ku dileen ka baxsaday raga asi Nimanka toogtay Askariga ayaa watay Mooto, waxaana ay ka dhex toogteen Mootadii ay saarnaayeen, iyaga oo hubsaday kolka askariga uu geeriyooday inay horay uga sii qaateen qorigii uu haystay.Qoriga ay ka qaateen Askariga ayaa ahaa nooca loo yaqaan G3 oo ay rasaas ku jirtay, iyo lacag aan cadadkeeda la aqoonin.
Ilaa iyo hada ma jirto cid loo soo xiray dhacdadaasi, hase ah aatee booliska ayaa sheegay in ay baacsanayaan kooxda bur cadda ah ee falkaasi geysatay. M/Mombasa ayaa waxaa kusoo noqnoqda weerarada noocaan ah oo lagu eedeeyo dhalinyaro kasoo jeedda deegaanka, iyadoo ciidamada amaankana ay dad aallo adag ugu jiraan sidii ay ula tacaali lahaayeen.
BOGGA CAYAARAHA
ARSENE WENGER OO SHAACA KA QAADAY TALADII UU XALAY SIIYAY JURGEN KLOPP IYO TABABARAHA JARMALKA OO ISNA KA HADLAY.
Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu u sheegay dhigiisa Jurgen Klopp inuu isdejiyo si aan tababaraha Liverpool kaarka cas loogu taagin islamarkaana loo saarin taribuunka.
Tababaraha Jarmalka ayaa muran aad u kulul la galay Bobby Madley intii ay socotay kulankii barbaraha 33 ku dhamaatay ee Anfield, iyadoo Joe Allen uu goolka barbaraha uu dhaliyay daqiiqadii 90aad.
Klopp ayaa dhowr jeer ay iska dhaceen garsoorayaasha afaraad tan iyo markii uu Liverpool yimid bishii October, Wenger ayaa qirtay in lagu qasbay inuu soo kala dhexgalo Klopp iyo garsooraha afaraad Bobby Madley xalayto.
"Waxaan u sheegay inuu isdejiyo, waxaan ku iri haddii kale waxa ay ku saarayaan taribuunka” ayuu shaaca ka qaaday tababaraha Arsenal.
"Garoonka Liverpool waa mid si weyn la isagu dhow yahay, aad ayaana isagu dhaweyn, waxaana uu la hadlayay garsooraha afaraad. Iska caadi ayay aheyd, wax xumaan ah inama aysan dhexmarin.”
Dhanka kale, Klopp ayaa beeniyay in wadahadalkii dhexmaray isaga iyo Wenger inuu ahaa muran dagaal ah.
"Waxaan u sheegay Arsene sababtii aan u yara qiireysnaa sababtoo ah waxa ay aheyd foori gacan cad oo inaga inoo fiican, haa, waxaan weydiiyay garsooraha afaraad sababta uu halkaan u joogo… ma uusan jecleysanin.” ayuu yiri tababaraha Jarmalka.
"Waxba inama aysan dhexmarin Arsene. Waxba inama aysan dhexmarin Sam Allardyce maalin dhaweyd, waadna qorteen inay wax ina dhexmareen.
"Waxaan iri wixii aan iri, waxaana sida ay iska cad ay aheyd wax badan, garsooraha afaraad wuxuu u sheegay garsooraha dhexe, waana uu hadlay. Wax muran ah nama aysan dhexmarin Arsene Wenger.”
KULAMADA LA CAYAARAY EE ENGLAND PREMIER LEAGUE
Chelsea 2 2 West Bromwich Albion
Manchester City 0 0 Everton
Southampton 2 0 Watford
Stoke City 3 1 Norwich City
Swansea City 2 4 Sunderland
Liverpool 3 3 Arsenal
Tottenham Hotspur 0 1 Leicester City
No |
naadiyada |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1. |
Arsenal |
21 |
13 |
4 |
4 |
37 |
21 |
16 |
43 |
2. |
L.. City |
21 |
12 |
7 |
2 |
38 |
25 |
13 |
43 |
3. |
M .City |
21 |
12 |
4 |
5 |
39 |
21 |
18 |
40 |
4. |
T. hotspu |
21 |
9 |
9 |
3 |
34 |
17 |
17 |
36 |
5. |
W.United |
21 |
9 |
8 |
4 |
33 |
24 |
9 |
35 |
6. |
M. United |
21 |
9 |
7 |
5 |
27 |
20 |
7 |
34 |
7. |
toke City |
21 |
9 |
5 |
7 |
24 |
22 |
2 |
32 |
8. |
C.Palace |
21 |
9 |
4 |
8 |
23 |
20 |
3 |
31 |
9. |
Liverpool |
21 |
8 |
7 |
6 |
25 |
27 |
2 |
31 |
10. |
Watford |
21 |
8 |
5 |
8 |
25 |
24 |
1 |
29 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
MAXAAD KA TAQAAN GAS CALOOLEED GASTIRIG?!!
Cudurka ay soomaalidu u taqaano gastirig wuxuu ku bil ow daa boogo yar yar oo ku samaysma darbiyada caloosha, iyo qe ybta ugu horeysa ee xiidmaha yar yar ee loo yaqaano duode num. Waxaa badanaa caabuqaan kee na bakteriyada loo yaqaa no H. Pylori iyo aashitada calo osha oo xaalufisa lakabyada maq aarka ee caloosha, taa soo sababta in xuubka jilicsan ee caloo shu uu dhaawacmo kadibna qofku uu damqasho dareemo mar walba oo aashitada cal ooshu taabato boogta samaysantay. H. Pylori Ayaa ah bakteeriya da u gu badan ee sababta xa nuunkaan.
gascalooleed Noocyada gastirig waxaa ka mid ah
Gaas calooleed: waa bo ogo ku samaysanta gud aha caloo sha Gaas hun guriyeed: waa boogo ku samaysanta tuubada cun tadu soo marto Gaas mindhicireed:waa boogo ku samaysma qaybta hore ee mindhiciraha yar yar
Maxaa sababa gastirig?
Qodobo badan ayaa ka danbeeya in darbiga caloosha, xiid maha, iyo hunguriguba ay boogo yeeshaan balse kuwa ugu muh iimsan waxaa kamid ah;
Bakteriyada helicobacter pylori: waa bakteeriya awood u leh inay sababto infekshin iyo caabuq halis ah oo ku dhaca caloo sha. Bakteeriyadan waxay si sahlan ku dalooliIsaa xuubka caloo sha ayadoo adeegsanaysa dheecaano ay soo dayso.
Isticmaalka badan ee kaniinada NSAIDS sida, Aspirin, Ibup rofen , iyo dawooyinka kale ee loo isticmaalo ka hor taga caabu qa boogaha jirka. Dadkeenu inta badan waxay aad u isticmaala an kaniinada aan soo sheegnay siiba Asp irinka oo badanaa si joogtaa aan u isticmaalno.
Sigaar cabida: sigaar cabidu waxay kamid tahay qodob ada sahla in qofka uu ku dhaco gastirigu.
Kansarka caloosha Cunooyinka qaar: cunooyinka bisbaas ka ba dan (spicy food) ayaa waxaa la aamin sanyahay iney sahli kar aan boogahaan Waa maxay astaamaha?
Calaamadaha ugu muhiimsan ee dadka qaba gastirigu ay dareemaan waxaa kamid ah, caloosha oo xanuun guba sho oo kale ah laga dareemo, xanuunku wuu kala duwan aan karaa asa goo dadka qaarkood ku noqda mid aad u da ran, halka dadka qa arna uu u sahlanaado. Mararka qaark ood xanuunka ayaa laga yaabaa inuu hurdada kasoo kiciyo qofka taasoo ku xidhan hadba xaalada uu bukaanku ku suganyahay.
Calaamadaha kale ee gastarig waxaa kamid ah; abat aytka oo qofka ka xidhma, lallabo, saxarada oo dhiig yeel ata ama mi dabkeedu madaw noqdo, miisaan ka qofka oo yaraada, matag, iyo xabad xanuun, ama laabjeex.
Dhibaatooyinka ka dhalan kara Cudur walba oo aan la daw ayn wuxuu ku reebaa jirka dibaatooyin wax yeeleyn kara, amaba sababi kara dhimasho.
Sidaa si la mid ah cudurka gastirig haddaan la dawayn wuu ka sii daraa wuxuuna sababaa xaalado caafimaad dar ro oo halis ah sida: Boogaha caloosha ku samaysma xiliga uu cudurku ya hay bilowga oo isku badala daloolo ama God ad, kaasoo keena caabuq khatar ah oo isku badali Kara cudurka kansarka.
Dhiig bax ka dhaca gudaha jirka:
Boogaha caloosha oo bilaaba inay dhiig baxaan waxay keeni ka rtaa in qofka ay ku dhiig yari taasoo halis galin karta nolosha qof ka.calaamadaha lagu garto qofka gaastariigiisu marayo xaalad dhiig bax waxaa kamid ah; dawakhaad, ama madaxa oo waree ra qofka, iyo saxarada oo madoobaata.
Dhinaatooyinka ka dhasha cudurka gaastariigu badanaa waa kuwo u baahda qaliin deg deg ah maadaama ay yihiin xaalado halis ah. Hadii aad qabtid cudurka gaastariiga oo aad isku ara gtid Madax Wareer ama saxarada oo ku madoobaata fadlan la xiriir dhakhtar.Sidee looga hortagi karaa gaastariiga?
Isbaddal uu qofku ku sameeyo hab nololeedkiisa iyo dha qama da noloshiisa ayaa ka caawin kara inuu yareeyo khat arta cudur kaan uu ku yeelan karo noloshiisa. Waxaa ka mid ah qodobada as; gacmahaaga oo aad dhaqdid mar wal ba oo aad wax cuna ysid taasoo yaraynkarta faafitaankaba kteeriyada, yaree isticmaa lka kaniiniyada aspirin, ibuprofen iyo naproxen sodium,hadiise ay khasab tahay inaad qaada to aspirin sababo laxariira marx alad caafimaad oo kale, laxariir dhaqtarkaaga ,waxuu dhaqtarku kuu qori karaa kani inyo kahortagi kara ama difaac u ah lakab yada caloosha
Joogtaynta nolol isku dheeli tiran oo qofku uu joogteeyo cuni da cuno caafimaad qabta, qudaar, midho iyo cunoo yinka dabi iciga ah ee uu fibarku ku badan yahay, joojinta sigaar cabida iyo tubaakada, ayaa qofka ka caawin karta inuu noqdo mid ka bad baada cudurkaan dadka badankiisu la il daran yihiin.
Waxaa kaloo dhakhaatiirtu sheegeen in dadka markay cunte eyaan seexda siiba cashada ka dib ay u nugul yihiin in cudurkani ku dhaco, haddaba ka fogoow inaad seexatid cuntada ka dib, is ku day inaad cuntaysid ugu yaraan saac ad ama laba saac ka hor intaadan seexan.
Xigasho:- Baro Caafimaad
EERKA SAXAAFADDA: YAA AH WARIYE?
Qodobka 35aad farqaddiisa 1aad ee Xeerka Saxaafadda (2016) ayaa u qoran "Saxafi waxaa noqon kara qof kasta oo leh aqoon jaamacad saxaafadeed, kana gudbay imtixaanka saxafiga laguna qoray diiwaanka saxaafadda sida ku cad qodobka 18aad ee xeerkaan”.
Ururrada saxaafadda, wariyeyaasha, qaar ka mid ah hay’ad aha taageera warbaahinta iyo dad kale ayaa soo jeedinaya dood ah in Saxaafadda aanan lagu xerin shahaaddo saxaafadeed, qa ar kale ayaa aaminsan in aan takhasuska saxaafadeed aan lagu xujeynin wariyeyaasha ee kaliya shahaaddo jaamacadeed lagu xiro.
Shirka Qaran ee Istiraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee lagu qabtay Hotelka Jazeera 1112 bishan, ayaa lagu soo hadal qaadday dooddan. Saxafiiinta shirkaan ka qeyb g alay ayaa qodobkan ka soo horjeestay. Dadka ka hadlay oo Xeeldheerayaal Soomaaliyeed iyo Ajnabiba isugu jiray ayaa soo bandhigay aragtiyo ku saabsan qodobkaan.
Yuusuf Garaad Cumar oo ah la taliye saxaafadeed oo madax ba nnaan, isla markaana tifaftire ka soo noqday Qeybta Afka Soo maaliga ee BBC, ayaa aaminsan in aqoonta heerka jaamacade ed ay muhiim u tahay wariyaha haseyeeshee aysan khasab aha yn in lagu xiro inuu kulliyad saxaafadeed ka soo baxo.
Yuusuf Garaad, waxaa uu dooddiisa ku saleynayaa in addu unka wariyeyaashu ay leeyihiin xirfado ka duwan saxaafadda, sidoo kale ay barteen cilmi aan ahayn saxaafad sida cilmiga bul shada (Social Science), Haddana ay ku shaqeeyaan mihnaddan marka ay qaataan tababar ku filan.
Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga, oo ka mid ah warbaahinta Soomaaliga ku hadasha kuwa ugu horreeya waxaa ka shaqeyay laba wariye oo ka soo baxay kulliyadda Saxaafad da intii uu maamulayay Yuusuf Garaad, kuwaas oo kala ahaa Maxamed Caddow iyo Yuusuf Xasan Isaaq sida uu sheegay Yuu suf Garaad. Arrintaas ayaa muujinaysa in caalamka aysan waa jib ahayn in wariyuhu uu jaamacad uga soo baxo saxaafad, hase yeeshee tababar saxaafadeed iyo aqoon sare oo kale ay lagama maarmaan tahay.
Saxaafaddu waa shaqo wadareed leh tifaftire iyo dad kale oo hubinta ama tayaynta ku shaqo leh, kuwaas oo baahinta xogta iyo wariyaha diyaariyay warka ama barnaamijka u dhaxeeya, ta asi waxaa ay adkeyneysaa in wax saxan bulshada loo gudbiyo.
Dhinaca kale, Yuusuf Xasan Isaaq oo ah la soo shaqeeyay BBC isaga oo wariye ah iyo isaga oo tababare saxaafadeed ah, ayaa qaba aragti ka duwan, Waxaa uu soo jeedinayaa in saxaafadda Soomaaliya ay ku sugan tahay xaalad aqoonta iyo awooddeeda xirfadeedba ay hooseyso, sidaa darteedna ay lagama maarma an tahay in qodobkaan sidiisa loo qaato, inkasta oo uu sheegay in mustaqbalka wax laga beddeli karo marka sare loo qaado he erka aqooneed ee wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Waxaa uu tilmaamay in mihnad kasta qofka ka shaqeynaya lo oga baahan yahay takhasuskeeda si uusan dhibaato ugu keenin bulshada marka uu shaqo galo.
Rashweat Mukundu, oo ah cilmibaare la shaqeeya Internat ional Media Support IMS, ayaa aamminsan in shuruudda wariya ha lagu xirayo ee ah inuu shahaaddo jaamacadeed oo saxaafad da ah wato ay tahay mid looga gol leeyahay in lagu horumariyo saxaafadda, laakin marka laga hadlayo ku shaqeynta mihnadda ay ka duwan tahay arrintu. Waxaa uu ku dooday in saxaafaddu ay xiriir la leedahay xuq uuqda aasaasiga ah ee dadka sida xorriyadda hadalka. Sidaa darteedna aan qofka lagu xiri karin shuruudo ka joojinaya ama u diidaya xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay. Xildhibaan Ca bdi Xaashi oo ka tirsan Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in sharcigan lagu sameyn karo wax ka beddel. Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta waxaa ay sheegtay in Xeerhoosaad loo sameyn doono xeerkan la ansixiyay, kaas oo fasiri doona ama fududeyn doona qodobbada qaar ee ku jira sharcigaan.
Gabagabo
Saxaafadda Soomaaliya oo soo martay daruufo adag, waxaa ay hadda maraysaa marxalad tiradeedu ay badan tahay laakiin ay tayadeedu ay yartahay. Waxaa u sii dheer gefefka ka dhaca saxaafadda oo badan iyo aqoonta oo hooseysa maadaama qof kasta uu noqon karo wariye.
Xeerkan saxaafadda waxaa uu meesha ka saarayaa in sax aafad aan xeer lahayn dalka ka shaqeyso taas oo ah wax la isku wada raacsan yahay. Qodobka 35aad ee xeerkan, inkasta oo uu xoojinayo in la helo saxaafad horumarsan oo dadka ka shaqey naya ay xirfad ahaan iyo cilmi ahaanba dhisan yihiin, haddana waxaa uu dhinaca kale meesha ka saarayaa wariyeyaal badan oo xirfad ahaan iyo khibrad ahaanba ku wanaagsan saxaafadda, muddo dheerna soo shaqeynayay.
Sidaa darteed, waxaa habboon in dib loogu laabto qodobka as oo ugu yaraan laga dhigo in qofka wariyaha ah laga doonayo shahaaddo jaamacadeed oo noqon karta kulliyad kasta iyo taba bar saxaafadeed.
W/Q: Yuusuf Sh Ciise Yusuf.isse@gmail.com
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA JANNAAYO 2016-KA
MADAXWEYNE XASAN OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEEYAY KISMAAYO KA DEGAY IYO XILLIGA UU FURMAYO SHIRKA OO LA SHAACIYAY Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamin ayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaa