Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule Cigaal "Duncarbeed" ayaa saaka lagu aasay qabuuro ku yaal Naaso Hablood magaalada Hargeysa.
Aaska abwaan Cali Sugulle ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo dadweyne faro badan.
Meydka Cali Sugulle ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isagoo ku dhintey wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta waxana halkaas ku sugnaa ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.
Aaska kadib ayaa marxuumka loogu duceeyey inuu illaahay naxariistii janatul fardowsa ka waraabiyo, ehelkii qaraabadii iyo shacabka Somaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.










Abwaan Cali Sugulle CIgaal oo maanta lagu aasay magaalada Hargeysa (Sawiro)
Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule Cigaal "Duncarbeed" ayaa saaka lagu aasay qabuuro ku yaal Naaso Hablood magaalada Hargeysa. Aaska abwaan Cali Sugulle ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo