
Ganacsade KAAHIN oo ka Qayb-galay Khudbadii ugu dambeysay ee Barack OBAMA (DAAWO)
Fursaddan uu ganacsade Kaahin kaga qaybgalay khudbadda Obama ayaa waxaa siiyay Al-Franken oo ah Senatorka labaad ee gobolka Minnesota u fadhiya Washington; wuxuuna ku muteystay dadaallada uu uga miro-dhaliyay ganacsigiisa iyo isagoo dhallinyarada Somali-Ameerican-ka ah ka taakuleeya isboortiga, ayuu yiri ganacsade C/raxmaan Ciise Kaahin.
DAAWO: Wareysi Ganacsade Kaahin laga qaaday oo ku saabsan khudbadii Obama;
Sidoo kale, ganacsiga Afro Deli waxaa wax badan ka qoray warbaahinta Minnesota, isagoo sannadkii hore ee 2015-ka ku guulaystay Tobanka cunto ee ugu fiican ee laga helo gobolka Minnesota, iyadoo mar la gaaro xilliga qadada la akro dad badan oo safaf dhaadheer u gala maqaayadahaas.
Ugu dambeyn, Maqaayadaha Ganacsade C/raxmaan C. Kaahin, ayaa waxay caan ku yihiin Cunnooyinka fudud oo magacyo duwan loogu yeero waxaana ka mid ah; Chiken Fantastic, Somali Sweet Spiced Tea, Somali Steak Dinner, Somali Steak Sandwich iyo kuwo kale oo badan.
Siyad Said Salah, Hiiraan Online
Siyad@hiiraan.com
Minneapolis, Minnesota, USA
Ganacsade KAAHIN oo ka Qayb-galay Khudbadii ugu dambeysay ee Barack OBAMA (DAAWO)
Ganacsade Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah ganacsatada deggen gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo leh laba maqaayadood oo kula yaalla magaalooyinka Minneapolis iyo St Paul, kuwaasoo lagu magacaabo Afro Deli.