Fanaaniin deeq lacageed gaarsiiyay Fannaan Cabdi Tahliil warsame oo Muqdisho ku Xanuunsanaya

0
Thursday January 14, 2016 - 09:50:06 in Wararka by
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaaniin deeq lacageed gaarsiiyay Fannaan Cabdi Tahliil warsame oo Muqdisho ku Xanuunsanaya

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari, Mas'uuliyiinta Golaha Murtida, Madadaallada Qaranka ee National Theatre iyo Hay'adda wacyi gel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari, Mas'uuliyiinta Golaha Murtida, Madadaallada Qaranka ee National Theatre iyo Hay'adda wacyi gelinta Bulshada ee CCA ayaa Shlaya deeq lacag ah gaarsiiyay qaar ka mid ah fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari oo dalka ku xanuunsanaya iyo sidoo kale Carruurtii ay ka tageen qaar ka mid ah fanaaniintii Soomaaliyeed ee geeriyootay.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta oo ay wehliyaan fanaaniintan ayaa gurigiisa ku booqday Fanaanka Cabdi tahliil warsame oo ku Xanuunsanaya Magaaladda Muqdisho.

Agaasimaha Hobollada Qaranka Waabari Maxamed Xasan Barrow ayaa faah faahiyay fanaaniinta  deeqdan soo gaarsiiyay.

"Fanaaniinta Hodan Cabdiraxman Dheere, Axmed Rasta Idil Caddow Iidle Yare Xasan Cujeeri oo dibadda nooga yimid ayaa deeqdaan soo gaarsiiyay” Ayuu yiri Barrow.

Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi gelinta Bulshada ee CCA Maxamed Cajiib Ibraahim Cali ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay caawiyaan fanaaniinta Soomaaliyeed ee xanuunsan.

Hodan C/raxmaan Dheere oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee shalay fanaaniintan deeqda gaarsiiyay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay haatan la kulanto fanaaniin Soomaaliyeed oo wacyi Gelinta buslshada kaalin weyn kasoo qaatay.

Xamdi Cabdi tahliil oo ah gabar uu dhalay fanaanka cabdi tahliil warsame oo ka mid ah fanaaniinta shalay deeqda la gaarsiiyay ayaa u mahad celisay fanaaniintan  deeqda soo gaarsiiyay.

Wasiirka Waraafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahad naqay fanaaniintan sida ay usoo xasuusteen fanaaniinta dalka ku xanuunsanaya.

Wasiir Maareeye ayaa Dhinaca kale ugu baaqay madaxda sare ee Dalka in ay ka qeyb qaataan caawinta fanaaniinta Soomaaliyeed ee Dhibaateysan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip