Wararka

Ra"iisul wasaaraha XFS oo kormeer ku tegay Talisyada Ciidamada NISA iyo Booliiska

0 Visits: 60 | Saturday March 16, 2024 - 12:03:31
-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay…

Read More »

Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo amray in la xayiro hantida 16 shakhsiyaad ah iyo shirkado xiriir laleh Alshabaab

0 Visits: 52 | Saturday March 16, 2024 - 11:16:28
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bangiyada dalka ku wargaliyay in la xayiro lacagaha 16 shaqsiyaad iyo shirkado uu Maraykanka xayiraad kusoo rogey. Qoraal uu bangigu u diray bangiyada ganacsiga ee shatiga haysta, ayuu ku faray in ay joojiyaan xiriir ganacsi kasta oo hore, ayna xiraan akoonnada ganacsiga…

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada Midowga Africa ee 2025

0 Visits: 59 | Saturday March 16, 2024 - 11:07:33
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, waxaana shirkan diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee Midowga…

Read More »

Hirshabeelle: Suurtagal ma ahan in cid aan sharci ahayn ay hor istaagto cid sharci ah

0 Visits: 80 | Friday March 15, 2024 - 12:40:24
Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne inuu sabab u ahaa markii jidgooyo loo dhigay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in koox hubaysan ay jidgooyo dhigteen halka…

Read More »

MW Xasan Sheekh oo booqday dadkii ku dhaawacmay Weerarkii AS ee Hotelka SYL

0 Visits: 89 | Friday March 15, 2024 - 12:34:18
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada qaraxii hotelka SYL. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas'uuliyiin iyo dad shacab ku booqday Isbitaalka, kuwaasi oo ku wax…

Read More »

Cabdi Iley " Waxaan kamid ahay Shacabka uu Madaxweynaha u yahay Mustafe Muxumed Cumar "

0 Visits: 65 | Friday March 15, 2024 - 11:44:56
Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo siidayntiisii kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaabkii uu xoriyadiisa dib ugu helay cidda ka dambaysay siidayntiisa iyo waxa uu wakhti xaadirkan ka aaminsan yahay Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida.…

Read More »

Wasiir Kayd: Itoobiya bad helimayso hadii ay na aqoonsan waydo

0 Visits: 60 | Friday March 15, 2024 - 11:38:41
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, oo ku sugan Faransiiska ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku guda jiraan dhamaystirka is-fahamkii ay gaadheen. Wasiirka ayaa sheegay in ilaa hada 2 qodob oo kamid ah heshiiska ay bulshadu ka warqabto, lakiin ay rajaynayaan in ay…

Read More »

Xasuuq cusub oo lagu fuliyay Falastiiniyiin gaajeysan oo sugaayey gargaar

0 Visits: 57 | Friday March 15, 2024 - 11:35:53
Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah ayaa la dilay in ka badan 150 kalena waxaa lagu dhaawacay waqooyiga magaalada Gaza ka dib markii Israa'iil ay weerartay dad badan oo sugaayey gargaar bini'aadantinimo. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku tilmaantay weerarka xasuuq cusub oo horay loo sii qorsheeyay,kadib…

Read More »

Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotelka SYL

0 Visits: 55 | Friday March 15, 2024 - 07:28:22
Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii xalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la…

Read More »

Madaxweynaha JFS oo sheegay in dowladda ay ka go'antahay ciribtirkaargagixisada xilli uu maanta kulan la yeeshay laamaha amniga dalka

0 Visits: 61 | Thursday March 14, 2024 - 12:55:25
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha…

Read More »

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan

0 Visits: 64 | Thursday March 14, 2024 - 12:49:55
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club. Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, ku soo gebagebay…

Read More »

Sheekh Shariif oo War kasoo saaray xaalada cakiran ee Baladweyne

0 Visits: 72 | Thursday March 14, 2024 - 12:30:02
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan Maamulka laga magac baxay Hiiraan State oo jooga magaaladaasi. Sheekh Shariif…

Read More »

Pakistan oo mamnuucday in xabsiga lagu booqdo Imran Khan

0 Visits: 68 | Thursday March 14, 2024 - 12:14:46
Maamulka xabsiga uu ku xiran yahay Ra'isul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa si lama filaan ah muddo laba toddobaad ah u mamnuucay dhammaan shirarka iyo booqashooyinka Imran Khan oo xabsiga la dhigay sababo la xiriira "digniinta amniga", taasoo keentay canaan xooggan oo uga timid xisbigiisa…

Read More »

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka

0 Visits: 71 | Thursday March 14, 2024 - 12:06:54
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, oo shir-guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood. Xubanaha guddiga…

Read More »