Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan

0
Thursday March 14, 2024 - 12:49:55 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club. Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maant

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club. Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, ku soo gebagebay wada-xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeesheen waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club). Wasiirka oo guushan ka hadlay ayaa yiri, "Iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa aanu toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris kala saxeexanay heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen. " Talaabadani ayaa ka dhigan in Paris Club ay dhaafeen xaddi dayneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC, waxaana xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo ay Dowladda Soomaaliya la geli doonta wadamada Naadiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip