Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo amray in la xayiro hantida 16 shakhsiyaad ah iyo shirkado xiriir laleh Alshabaab

0
Saturday March 16, 2024 - 11:16:28 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo amray in la xayiro hantida 16 shakhsiyaad ah iyo shirkado xiriir laleh Alshabaab

    Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bangiyada dalka ku wargaliyay in la xayiro lacagaha 16 shaqsiyaad iyo shirkado uu Maraykanka xayiraad kusoo rogey. Qoraal uu bangigu u diray bangiyada ganacsiga ee shatiga haysta, ayuu ku faray in ay joojiyaan xiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bangiyada dalka ku wargaliyay in la xayiro lacagaha 16 shaqsiyaad iyo shirkado uu Maraykanka xayiraad kusoo rogey. Qoraal uu bangigu u diray bangiyada ganacsiga ee shatiga haysta, ayuu ku faray in ay joojiyaan xiriir ganacsi kasta oo hore, ayna xiraan akoonnada ganacsiga ee shakhsiyaadkan, si loo tixgeliyo maareynta khataraha Maalgelinta Argagaxisada. Cunaqabateynta ayaa lagu bartilmaameedsaday 16 hay'adood iyo shaqsiyaad ku kala nool gobolka Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda maaliyadda dalka Maraykanka. Waxaa lagu eedeeyay inay dhaqaale u uruuriyaan kooxda Al-Shabaab ee ka hawlgasha Soomaaliya. Lama sheegin magacyadooda, hase ahaatee, Maraykanka wuxuu sheegay in la xayiray hantida ay ku leeyihiin Maraykanka, si loo joojiyo la macaamilka ay laleeyihiin kooxda Alshabaab. Maraykanka ayaa sheegay inuu al-Shabaab, u arko koox argagixiso oo hesha in ka badan 100 milyan oo doolar sannadkii, taasoo ay ku jirto lacagaha baadda ah ee ay ka qaataan ganacsiyada maxalliga ah. "Khatarta al-Shabaab kuma koobna Soomaaliya oo kaliya," ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ku yiri hadal uu soo saaray. "Dhaqaalaha Al-Shabaab waxaa loo qaybiyaa kooxaha kale ee xiriirka la leh al-Qaacida ee caalamka, Ayuu hadalkiisa kusii daray." Maraykanka wuxuu sheegay in Alshabaab ay gacan ka geysato maalgelinta hammiga al-Qaacida ee ku aaddan inay wiiqaan dowlad wanaagga adduunka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip