Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotelka SYL

0
Friday March 15, 2024 - 07:28:22 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotelka SYL

    Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii xalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Afhayeenka c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii xalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dabley gaareysa 5 qof ay Weerar ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo gaaray dad isugu jiray mas'uuliyiin, Askar ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha hotelka, xilli uu weerarka saacadaha badan qaatay bilaabanayay. Afhayeenka Qaasim Rooble ayaa xaqiijiyay in 27 ruux ay ku dhaawacmeen Weerarka, isla markaana dadkaas ay saddex kamid ah yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale iyo Wariye Xasan Cadde. Wuxuu intaas kusii daray Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble in saddex Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ay ku dhinteen weerarka, isagoo xusay in laamaha amniga ay wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu ku dhacay weerarkaasi. Si kastaba, ciidanka ammaanka dowladda ayaa barqanimadii Maanta soo afjaray weerarkii hotelka SYL oo socday in ka badan 13 saacadood oo xiriir ah, waxaana ciidanka ay toogasho ku dileen shan ruux oo kamid ahaa Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip