HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA MAARSO 2024-KA

0
Saturday March 16, 2024 - 08:17:19 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA MAARSO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

M/W. Xasan Sheekh oo booqday dadkii ku dhaawacmay Weerarkii AS ee Hotelka SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada qaraxii hotelka SYL.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’u uliyiin iyo dad shacab ku booqday Isbita alka, kuwaasi oo ku wax yeeloobay weerarkii dagaa lamayaasha Al-Shabaab Habeen hore ku qaadeen hotelka SYL ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan, waxaana Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino hor udhac ah oo ku saabsan weerarkii Al-Shabaab ee hotel SYL.

27 qof oo isugu jira mas’uuliyiin, Askar ciid an iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Habeen hore hotelka SYL oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtoo yada Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay mag acaabista Golaha Warbaahinta Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya oo Dorraad yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, oo shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;

1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)

2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil

3. Muna Cumar Xasan

4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.

5. Axmed Maxamed Cabdi⁠

6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠

7. Hinda Daahir Jaamac

8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan

9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isuta gga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalin ta laba jeer canshuuridda iyo ka horta gga la-baxsashada canshuuraha.

Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib weerarkii Hotel SYL

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa saacado kadib markii lasoo afjaray weerarkii hoteelka SYL booqday Isbitaalka Digfeer.

Isbitaalkan ayaa waxaa ku jira dhaawac yada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Habeen hore dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen hoteelka SYLC ee magaalada Muqdisho.

uddoomiye Sheekh Aadan Madoobe aya a mid mid u dul istaagay dhaawacyadda, isa ga oo Allah uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina xusay in dhaawacyada aadka u daran loo qaadi doono dalka dibadiisa, si halkaasi loogu soo dabiibo xaaladooda caafimaad.

Weerarkii bahal-nimada ahaa ee SYL ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka uu burbur xoogan soo gaaray hoteelka weerarka lagu qaaday, halkaasi oo saacado badan ka dhex dagaalamayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu dambeyntii la toogtay dhamaa ntood.

Booliska ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen 3 kale, oo ahaa geesiyaashii ciidan ka xoogga dalka ee la dagaalamayay male eshiyaadka weerarka fuliyay.

Sidoo kale, xogaha aan ka helayno weerarkan ayaa sheegaya in durba loo soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka iyo askar kamid aheyd kuwii ku sugnaa barta-kontorool ee laga soo gudbay.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiil sare ku lug lahaayeen weerarkan iyo soo deysmad iisa, waxaana socota baarista weerarka oo si weyn uga qeyb qaadanayaan kaamiradaha amni ee ku xiran magaalada Muqdisho.

M/W. Xasan oo sheegay in si adag la isu gula xisaabtamayo arrimaha Dagaalka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidam ada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgall ada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xaru nta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada, Taliy eyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiir ka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuum adda JFS.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaan nada ay Al-Shabaab kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabt amayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaa ma uu aasaas u yahay jiritaanka dowladn imada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay la-dagaalanka Al-Shabaab, dadaalladdii looga miro dhalin laha ana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada,

Wuxuu sheegay in iskaashiga iyo la shaq eynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkii SYL Hotel oo la dhigay Isbitaalka Erdogan

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Isbitaalka Erdogan (Ex Digf eer) ee Magaalada Muqdisho ku booqday muwaadiniintii ku dhaawacantay weerarkii ay Habeen hore maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Hotel SYL

Wasiirka ayaa dhakhaatiirka ka dhageystay warbixin ku aaddan xaaladda dhaawacyada la soo gaarsiiyay isbitaalkooda.

Wasiirka ayaa mid mid u dul istaagay bukaan ada, isagoona ka wareystay xaaladdooda caaf imaadeed, kuwoodii markaasi uu caafima adkooda ka soo reynayay.

Wasiirka ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu ay si dhow ula socon doonto baxnaaninta bukaanada, isagoona Alle uga baryay in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

"Ugu dambayn Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasii rka Caaafimaadka Somaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay u taagan tahay baxnaaninta iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah kooxaha manaxayaasha ah ee Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafi maadka.

Wasaaraddu ma faah faahin khasaaraha nafeed ee uu gaystay weerarka ka dhacay Ho tel SYL, iyadoo hay’adaha ammaankuna ays an weli ka hadlin.

Weerarkan ayaa gaystay khasaare dhima sho iyo dhaawacba leh oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin, tirada ku dhimatay iyo inta kale ee ku dhaawacantay.

Ciidamada Dowladda ayaa wada hawlgal ay ku soo afjarayaan raggii weerarka soo qaa day oo ka dhex dagaalamaya hotelkaasi.

Sheekh Shariif oo War kasoo saaray xaal ada cakiran ee Baladweyne

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexe eya ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo ciida mo ta abacsan Maamulka laga magac baxay Hiiraan State oo jooga magaaladaasi.

Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu marka hore tacsi u diray dhammaan dadkii ku naf-waayay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee Baladweyne ka dhacay oo ku dhin teen laba qof, halka dhowr qof kale na ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u gu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay xooji ya an nabadda, isla markaana ay ka feejigna dan wax walbo oo keeni kara dhiig, wuxuuna dadka abaabulaya dagaalka ka dalbaday inay joojiyaan falkaasi.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxa uu dhin acyada ku dagaalamaya Baladweyne ugu baaq ay inay fursad siiyaan nabadda, isagoo intaas kusii daray in loo baahan yahay in waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka u istaagan sii joojin la haa dagaalka.

Taliska Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotelka SYL

Taliska ciidanka Booliska dowladda Fede ra alka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay kha saaraha ka dhashay Weerarkii Habeen hore dag aalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen hot elka SYL ee ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooy ada Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Bool iska Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ay aa u sheegay in dabley gaareysa 5 qof ay Wee rar ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo gaaray dad isugu jiray mas’uuliyiin, Askar ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha hotelka, xilli uu weerarka saacadaha badan qaatay bilaab anayay.

Afhayeenka Qaasim Rooble ayaa xaqiijiyay in 27 ruux ay ku dhaawacmeen Weerarka, isla mar kaana dadkaas ay saddex kamid ah yihiin Xildh ibaano ka tirsan Baarlamaanka Federa alka, Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimca ale iyo Wariye Xasan Cadde.

Wuxuu intaas kusii daray Afhayeenka ciid anka Booliska Qaasim Axmed Rooble in sad dex Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska dowl adda Soomaaliya ay ku dhinteen weerarka, isagoo xu say in laamaha amniga ay wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu ku dhacay weerarkaasi.

Si kastaba, ciidanka ammaanka dowladda ayaa barqanimadii Dorraad soo afjaray weerarkii hotelka SYL oo socday in ka badan 13 saac adood oo xiriir ah, waxaana ciidanka ay toog asho ku dileen shan ruux oo kamid ahaa Al-Sha baab oo weerarka soo qaaday.

Saraakiil la xiray iyo halka ay ka gudbeen Sha baab-kii fuliyay weerarka Hotel SYL

Waxaa xogo dheeraad ah laga helaya wee rarkii saacadaha qaatay ee Habeen hore dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Shabaab-kii fuliyay weerarka iyo gawaari da ay wateen ayaa kasoo gudbay barta-kon torool oo ku yaalla isgoyska Sayidka, sida ay muujine yso baarista hordhaca ah ee ay wad aan laa maha amniga.

Kontoraalka Sayidka ay aa ah kontroolka ugu ad ag ee laga ilaaliyo xeyn daabka Madaxtooyada, waxaana soo baxeysa in weerarkan la fududeeyay, maadaama aan halk aasi laga gudbi karin bilaa ID-card, ayna adag tahay in qof iska caadi ah uu ka gudbo.

Sida ay muujinayaan kaamiradaha, mid ka mid gawaarida ay wateen kooxda ayaa ka soo gudbay isgoyska Sayidka, ayada oo ma rkii uu kontoraalka kasoo gudbay ay dhexda ka raac een maleeshiyaad kale.

Illo-wareedyo ka tirsan hay’ddaha amniga ay aa waxay sheegayaan in gaariga koowaad ee qa rxay uu baakina meesha banaanka ah ee gud aha hoteelka, kadibna uu ku dhuftay albaab isla gudaha hoteelka ku yaalla.

Gaariga labaad oo ahaa nooca loo yaqa an qooqanta, ayaa markii qaraxa koowaad dhacay waxa uu isna ku qarxay albaabka hoteelka ee banaanka hore.

Xogaha aan helayno ayaa intaasi kusii dar eysa in weerarkan loo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka iyo askar kamid aheyd kuwii ku sugnaa barta-kontorool ee laga soo gudbay.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiil sare ku lug lahaayeen weerarkan iyo soo deysmad iisa. Waxaana soo baxeysa in gawaa rida weerar ka lagu fuliyay in midkoodna aysan qaraxyada gudihiisa lagu soo diyaarin, balse ay ahaayeen qaraxyo caadi loo soo saaray.

Baarista weerarkan ayaa socota, waxaana si weyn uga qeyb qaadanaya baaristan kaam irada ha amni ee ku xiran magaalada Muqd isho, taasi oo hadda ka socota xarunta Taliska Nabad-su gida iyo Sirdoonka Qaranka, halka asi oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya oo 99% laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen waddamada la isku yiraahdo Paris Club

Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% laga cafi yay deymihii ay ku lahaayeen kooxda Paris Club, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada uu dalku ku doonayo inuu dib ugu biiro nidaamka maaliya deed ee caalamiga ah.

Waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Jap an iyo Ruushka oo kat irsan naadiga Paris Club, ayaa kansalay in ka ba dan 2 bilyan oo dollar oo kamid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club oo ah hay’ad ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xo ghayn u ah dalal badn oo deyman bixiyayaal ah.

Soomaaliya oo lagu lahaa in ka badan $4.5 bilyan oo deyn ah ayaa laga cafiyey dhammaan deymahaas ka dib markii bishii December 2023 la gaarey hindisaha deyn cafinta oo ay kormeer ayeen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

"Deyn bixiyayaasha Naadiga Paris waxa ay soo dhaweeyeen go'aanka Soomaaliya ee ah in ay sii waddo hirgelinta istaraatiijiyad dhameysti ran oo lagu dhimayo farqiga deymaha iyo barna amijka dib-u-habeynta dhaqaalaha si loo abuuro aasaaska kobac dhaqaale oo waara oo loo dhan yahay," ayuu yiri Naadiga Paris.

Waddamada la isku yiraahdo Paris club, ayaa Soomaaliya ku lahaa in ka badan 3.1 billion oo doolar.

Magacyada Xildhibaano masuuliyiin iyo ,wari yayaal ku dhaawacmay weerarkii SYL

Wariye,Afhayeenka Xukuumada,xogh-hayaha Maamulka Gobolka ,xilduibaano, Taliye ciidan iyo dad shacaba ayaa ku dhaawacmay weerarkii Habeen hore SYL Hotel lagu galay.

Dadkaan dhaawacmay oo qaarkood Habeen hore aan idinla wadaagnay ma jirto intaan ogna hay qof lagu sheegay dhaawac halis ah balse macquuul inay dib ka soo baxaan dhaawa cyo dibada in loo qaado u baahan.

Masuuliyiihta dhaawaca waxaa ka mida Afha yeenka XukuumadaFarxaan Jimca ale, Xog-hayaha guud ee Maa mulka Gobolka banaadir Fays al,iyo Taliye ka tirsan Haramcad.

Sidoo kale masuliyiinta dhaaw aca ah waxaa ka mida dhowr xildhibaan sida:-

1-Ismaaciil Iidoow (Golaha Shacabka kavtirsan).

2-Xildhibaan Cismaan Cali (Golaha shacabka katirsan)

3-Xildhibaan Farax Cabdi (Golaha shacabka katirsan)

4-Xildhibaan C/Ririsaaq (Aqalka sare)

Dhanka kale Wariye Xasan Cadde ayaa ka mida dadka ku dhaawacmay weerarka Hotel SYL.

Meydka Odey xarig lagu dilay oo loo soo xi rey xaaskiisa oo Itoobiyaan ah

Meydka nin Odey ah ayaa laga helay gurigiisa oo ku yaal suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Bòoliiska ayaa durba baaritaano ku haya meydka markii ay ugu tageen gurigiisa.

Waxaa loo soo xiry dilka an marxuumka xaaskiisa oo u dhalatay dalka Itoobiya inka stoo ay ku doodeyso inay laamaha amniga ku wargeli say ninkeeda in la dilay sidaas daraadeed aysan suurtagal ahayn inay iyadu disho.

Meydka jirkiisa waxaa ka muuqda xarig in qoorta looga xirey laguna ceejiyay

Koox cusub oo Burcad-baddeed ah oo la wareegtay Markabkii la qafaashay

Maalintii Afaraad ayaa waxaa afduub aha an loo haystaa Markabka Xamuulka ee MV Abdu llah oo ay la socdaan 23 Badmaax oo Bangladesh ah.

Wararka waxay shee gayaan in Koox cu sub oo ka kooban 19 Burcad-ba ddeed oo ku hubeysan Hubka culus ay la wareeg een Hag ida Markab kaasi, halka Kooxdii hore oo ka koobnayd in ka badan 50 dabley ay ka degeen Markabka.

Dhinaca kale, Burcad-baddeeda waxaa la soo weriyey inay dalbadeen Lacago madax Ma dax furasho oo dhan 5 million oo Dollar ama ay Badmaaxiinta waxyeelo u geysan doo naan.

Markabka la qafaashay ee MV Abdullah waxa uu haatan sabaynayaa Badda, meel ku dhow Xeebaha Garacad ee Gobalka Mudug

Hirshabeelle: Suurtagal ma ahan in cid aan sharci ahayn ay hor istaagto cid sharci ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle Ca bdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay dag aalkii ka dhacay magaalada Baladweyne inuu sabab u ahaa markii jidgooyo loo dhigay guddoo miyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirsha beelle.

Wasiirka arrimaha gudaha aya a sheegay in koox hubaysan ay jidgooyo dhigteen halka uu guddo omiyuhu xafiiskiisa uu mari lahaa, taasoo uu sheegay inay keentay inay isku dhac aan ilaalada guddoomiyaha iyo kooxda hubay snayd.

Wasiirka ayaa sheegay in guddoomiyaha gob olka Hiiraan iyo ciidamadiisa ay bannaan ka uga saareen magaalada, kuna amreen inuu tago degaanka Ceel Jaalle, inta magaaladu kusoo laa banayso xasiloonideeda

"Suurtagal ma ahan in cid aan sharci ahayn ay hor istaagto cid shatci ah. Tabasho waa la qa bi karaa, laakiin ma aqbalayno in qori la isku qa ato, iyo in la sameeyo maamulo fake ah (been abuur ah), kuwaas oo carqalad ku ah maamulkii sharciga ahaa.” Ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guure.

Wasiirka ayaa ku baaqay in guddoomiya ha gobolka Hiiraan loo madax banaaneeyo gudash ada waajibaadkiisa sha qo, wuxuuna soo dhowe eyay dadaalada oday aasha dhaqa nka oo ku ho wlan sidii loo joojin lahaa colaa dda.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha HirSha beelle ayaa yimi kadib dagaal xooggan oo Dorr aad magaalada Baledweyne ku dhaxmaray ciida mo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiira an state.

Ciidamada Hirshabelle ayaa si awood ah lo oga saaray gudaha magaalada baledweyne, iya doo ciidmada kasoo horjeeda ay la wareee en xaruntii maamulka gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte "Waxaan waynay rasaas aan kula dagaalano Al-shabaab, tii dowladana waxaa lagu dhibaateynaya dadka reer Baledweyne"

Hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga hadlay dag aal khasaare geystay oo gudaha magaalada Bal edweyne ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan state.

U qeybsanaha xafiiska madax weynaha Soomaaliya ee ciidama da macawiisleyda Cali Jeyte aya a dagaalka saacadaha badan qaatay ee ka dhacay Baledw eyne ku eedeeyay in masuul ka yihiin maamulka Hirshabelle.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa tilmaamay in ciid amo laga soo abaabulay magaalada Jowhar ay weerar ku qaadeen magaalada Baladweyne, isla markaana rasaasta ay la dhaceen dadka reer Baledweyne ay tahay rasaas dowladda Fedar aalka leedahay.

"Rasaasta lagu ridayo magaalada Baladweyne laguna weeraray waa mida dowladda Soomaali ya leedagay, anagana waxaan waynay rasaas aan kula dagaalano Al-shabaab, tii dowladdana waxaa lagu dhibaateynaya dadka reer Baledwe yne" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay Cali Jeyte in heshi iskii ay horey ugula soo galeen Maxaasmadax weyne Xasan Sheekh Maxamuud in dhankooda ay ilaaliyeen, hayeeshe dhinaca kale ay ka bax een balamahii la wada galay. "Nimanka ugu waa weyn Habarshiish ee Jowhar fadhiya ayaa dagaalka ka dhacay Baledweyne ka dambeeya, dhankeena balankii wan dhowrnay ee madaxwe ynaha arinkaasi waa inuu si dhab ah u eega, ma ahan in dad rayid ah maalin walba lagula diriro rabitaankooda" ayuu Cali Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray u qeybsanaha xafii ska Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciidanka Ma cawiisleeyda ayaa kusoo aadaya xili dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay magaalada Baledweyne, looga adkaaday ciidanka Hirshabe elle oo laga saaray barqanimadii Dorraad guud ahaan xaafadaha Baledweyne.

Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay Caabudwaaq iyo ninkii dilay oo la qabtay

Saxafigan oo ka tirsanaa Telefishinka Qaran ka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaar ay rasaas la sheegay in Dorraad lagu dhuftay.

Wararka ayaa sheegaya in dilka Wariyaha uu ka dambeeyay, ka dib markii uu muran soo kala dhex galay nin ilaalo ka ahaa xarun lagu xanaan eeyo agoonta, oo uu wax ka maamuli jiray.

Maxamuud Axmed Bulxan oo la dhashay Saxa figa ayaa sheegay in ay tuhmayaan in walaalkii uu dilay nin ay shaqo wadaag ahaayeen.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq, Muxu diin Aadan Weli ayaa xaqiijiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan ninkii dilka gaystay.

"Shacabka Caabudwaaq wa xaan uga tacsiyadeynaynaa ge erida Cabdikariin oo wax weyn u hayay bulshada, agoon buu gacanta ku hayay, samafal fara-badan ayuuna bulshada qaybaheeda u hayay, Wariye ayuu ah aa, qaranka ayuuna u shaqeynayay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Wariyaha oo dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Guud ee Caabudwaaq ayaa la sheegay in markii dambe uu halkaasi ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Wariye Bulxan oo sidoo kale ka tirsanaa Radio Muqdisho ayaa Dorraad lagu aasay Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgad uud.

Dilkiisa ayaa ka careysiiyay dadka deegaa nka oo dalbanaya in sharciga la horkeeno dembii laha, si caddaaladda loo waafajiyo.

Wasiir Kayd: Itoobiya bad helimayso hadii ay na aqoonsan waydo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, oo ku sugan Far ansiiska ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoob iya ay ku guda jiraan dhamaystirka is-fah amkii ay gaadheen.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaa hada 2 qodob oo kamid ah heshiiska ay bulshadu ka war qabto, lakiin ay rajaynayaan in ay saxee xaan heshiis dadka reer Somaliland ay na ka qoomamoonin.

"Ilaa iyo hada qodobada la ogyahay ee heshiiska ku jira waxa kamid ah, in hadii Itoobiya ay Somaliland aqoonsan waydo in an aan saldhig badeed siinaynin anaguna, iyo in ay ugu yaraan 10% ganacsigeeda usoo leexiso Somali land, waxaanu filaynaa in uu noqdo 30%, 100 ka sanno ee so socda wax aynaan ka qoomamayn ayaynu samaynay naa" Ayuu yidhi Wasiir Kayd.

"Waddan walba oo aanu u sharaxno qadiy ada Somaliland waxa uu odhan jiray horta wad dan Afrikaan ahi haydin aqoonsado, dee wad dan Afrikaan ah oo Itoobiya ka wayna garan ma ayo, markaa waa arrin uu Alle isku soo beegay,Itoobiya bad helisamyso hadi ay na aqoonsan waydo" Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Kayd

       Waxa uu sheegay in is-fahamka labada dhin ac uu yahay meel laga dhaqaaqayo, lakiin hada guddiyada farsamo ee labada dhinac ay ka shaqaynayaan samaynta heshiiska, isaga oo xus ay in waxyaabo badani is badali karaan sida wa khtiga iyo sida Itoobiyada ay iskaga bixinayso lacagta kirada.

Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in war arka sheegaya in shirkii Jabuuti kadib ay Soma liland go'aansatay in ay heshiis la gasho Addis Ababa, waxaanu sheegay in shirka Jabuuti 4 bill ood kahor ay bilaabeen ka shaqaynta is-faham ka Somaliland iyo Itoobiya, oo ay ahayd shaqo in badan socotay.

Guddida diyaarinaysa heshiiska dhinaca Somaliland, ayaa maalmihii u danbeeyay safaro ku marayay deegaanada xeebaha Somaliland, iyaga oo la kulmay dadwaynaha ku dhaqan Berb era, Ceel Sheekh, Borama, Lughaya iyo deega ano kale.

Milateriga Somalia oo Dorraad ka qeyb-qaat ay daminta Deb ka kacay suuqa Degm ada Awdheegle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutooyinka 14-ka October iyo Gorgor ayaa Dorraad ka qeyb-qaatay daminta Deb ka kacay suuqa degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidamada ayaa ku guule ystay inay damiyaan dabkaa si oo ka bilowday koronto ta asoo suuqa khasaare badan u gaysatay.

Debka waxaa ku bas-beelay guri iyo goob ganacsi,iyadoo ciidamada Milatariga ay bad baadiyeen shacabkii markii ay gurmad degdeg ah goobta la gaareen.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo la soo she egay kaliya waxaa jirta khasaare hantiyeed oo soo gaaray dadkii goobaha ganacsi lahaa

Xasuuq cusub oo lagu fuliyay Falastiiniyiin gaajeysanoo sugaayey gargaar

Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah ayaa la dilay in ka badan 150 kalena waxaa lagu dhaaw acay waqooyiga magaalada Gaza ka dib mar kii Isra a’iil ay weerartay dad badan oo sugaa yey garg aar bini’aadantinimo.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku til Dorraady weerarka xasuuq cusub oo hor ay loo sii qorsheeyay,kadib markii diyaarad helico pter ah oo Israa’iil ah ay rasaas ku furtay gargaar doonka Gaza

Senetarka Maraykanka Chuck Schumer ayaa ku baa qay doorasho cusub oo ka dhac da Israa’iil, isagoo ku tilmaamay xukuumadda had da jirta in ay tahay "xagjir” iyo in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu sidoo kale caqab ku yahay nabadda. Ugu yaraan 31,341 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 73,134 kalena waxaa lagu dhaawacay weera rrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar

Cabdi Iley " Waxaan kamid ahay Shacabka uu Madaxweynaha u yahay Mustafe Muxu med Cumar "

Madaxweynihii hore ee Dowlad dega anka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo siidayntiisii kaddib la hadlay Warbaahin ta ayaa ka warbixiyay qaabkii uu xoriyadiisa dib ugu helay cidda ka dambaysay siidayntiisa iyo waxa uu wakhti xaadirkan ka aaminsan yahay Xukuumadda Dowlad dega anka Soomaalida.

Cabdi Iley waxa uu ugu horr eyn sheegay in siidayntiisa Ilaah ay ka sokow uu sabab u ahaa Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, kaas oo maalmo ka hor sheegay in bisha Ramadan dartii dad la siidayn doono, dhinaca kale Cabdi Iley waxa uu sheegay in sii dayntiisa ay dhinaca kale sahashay Xafii ska Xeer Ilaalinta guud ee Dowladda Itoobiya oo xiray Dacwaddii ku socotay Cabdi Iley iyo dad kii kale ee ay isku kiiska ahaayeen, taasina ay dhin aca kale fududaysay in la siidaayo Cabdi Iley iyo dadkii la xidhnaaba.

Dhinaca kale Cabd Iley waxa uu ka hadlay waxa uu ka aaminsan yahay Dowlad Degaa nka Soomaalida ee uu majaraha u hayo Musta fe Cagjar, " Anigu waxaan ka mid ahay shaca bka degaanka Soomaalida ee uu Madaxwe ynaha u yahay Mustafe Maxamuud Cumar, Madaxweyn ayaashii hore ee degaanka Soom aalida soomar ay umbaan lamid ahay, sidaan anigu Madaxwey nayaashii hore uga dambee yay umbay anigana Dowlad iga dambaysay, Aniguna Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida umbaan ahay", ayuu yiri Cabdi Iley.

Ugu dambayn, Cabdi Iley Madaxweynihii ho re ee Dowlad degaanka Soomaalida waxa uu u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaad atay siidayntiisa, sida Odayaal dhaqameedka deg aanka Soomaalida Salaadiinta Ugaasya da, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deg aanka Soomaalida.

Hadalka Cabdi Iley ayaa kusoo aadaya saac ado un kaddib markii uu dib xoriyaddiisii u helay isagoo muddo 6 sano ah ku jiray xabsiga Qaaliti ee Addis Ababa, Cabdi Iley waxaa hadalladiisa laga fahmayay in si buuxda uu u taageersan ya hay Dowladda Itoobiya iyo Xukuumadda Dow lad degaanka Soomaalida oo mar uu hoggaanka u hayn jiray.

Siidayntiisa wali kamaysan hadlin Xukuu mad da Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, marka laga reebo dadweynaha Soomaaliyeed oo ku kala aragti duwan siidaynta Cabdi Iley.

Cabdi Iley ayaa hadda ku sugan Addis Aba ba oo uu guri ku leeyahay isla markaana ay ree rkiisu joogaan, walina lama sheegin isaguna mas oo hadal qaadin wakhtiga uu tagi doono Jigjiga oo ah halkii uu ka arrimin jiray isla markaana lag a soo xiray.

Finland Oo Bilaawday Inay Ka Hor Istaa gto Magangelyo-Doonka Inay Ka Soo Gala an Ruushka

Finland ayaa qorsheynaysa inay meel mari so sharci ku meel gaar ah oo u ogolaa naya maa mulkeeda xuduudka inay xannibaan dad ka mag angalyo doonka ah ee doonaya inay dalkeeda ka soo galaan Ruushka, ayay dowla ddu sheegtay. 

Finland waxay xirtay dhammaan isgoysyada 1, 340km (830-mile) ee soohdinta ay la wadaagto Ruushka dabayaaqadii sanadkii hore iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka imaanaya ee aan haysan dukumentiyo sax ah oo ay ku galaan Midowga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, magangalyo-doonku way sii wadeen imaatinka, dawladdu na waxay aaminsan tahay in tiradu ay aad kor ugu kici karto marka gu’ga iyo heerkulka sare u kaco.

Helsinki ayaa Moscow ku eedaysay in ay soo galootiga ku soo celinayso xadka, sheega shada Kremlin-ka ayaa beenisay.

"Finland waxa ay ahayd bartilmaameedka soc daalka qalabaysan… Mas’uuliyiinta Ruu shku kaliya kuma aysan guulaysan in ay fara geliyaan dhacdadan laakiin xitaa waa ay fududeeyeen,” Raiisel wasaare Petteri Orpo ayaa yiri Jimcihii.

Orpo ayaa sheegay in sharciga la soo jeed iyay hadda loo diri doono si ay wax uga shee gaan, kadibna baarlamaanka loo gudbin doo no si ay uga fiirsadaan, isagoo sheegay in dowl addu ay rajeyneyso in sida ugu dhaqsiya ha bad an loo ansixiyo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "Finland ay tahay in ay u diyaargarowdo suurtagalnima da in Ruu shku uu sameeyo cadaadis dheer”.

     Maamulka xuduudka Finland ayaa sheeg ay in in ka badan 1,300 oo magangalyo doon ah oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Yem en, So omaaliya iyo Suuriya ay ka soo galeen Ruushka intii u dhaxeysay Agoosto iyo Decem ber ee san adkii hore.

Muddadan ka hor, tiradu waxay celcelis ahaan ahayd hal qof maalintii.

Bishii Febraayo, wasiirka arrimaha guda ha Mari Rantanen ayaa sheegtay in mas’uuliy iinta ay hayaan xog ku saabsan in kumanaan qof ay ku sugan yihiin dhanka Ruushka oo sug aya inay u safraan Finland.

Mareykanka oo dadkiisa uga digay Falal Nairobi ku soo kordhay

War ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Kenya ku leedahay ayaa looga digay shacabka Mareykan xaalad ku soo kordheysa Magaalada Nairoobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Sida ay BBC0-du sheegtay Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ku nool Nairobi falal ku soo kordhay xaafadaha ay Nairobi ka degan yihiin kuwaasoo amaanka lidi ku ah.

Xaalada amni daro ee Mareykanku ka digayo ayaa ah dhanka burcadnimada iyadoo sida saf aaradu sheegeyso soo bateen dhacca boorso oyinka iyo taleefoonada.

Warka ka soo baxay Safaarada Mareyk anka ayaa lagu amray muwaadiniinto oda inay racaan afar talaabo kuwaasoo ay ka mid inay ka taxadaraan deegaanka ay ku sugan yihiin iyo dhaqdhaqaaqooda, sidoo kale inay iska ila aliya an soo bandhigista wax cala amad ah oo muujinaya hantidooda sida xirash ada dahab ka, saacadaha ama in ay qaataan lacag badan.

Tusaalooyinka ay Safaradu is leedahay way bad-baadineysaa muwaadiniintooda ayaa waxaa sidoo kale ka mida ineysan wax iska hor imaad sameysan hadii burcadu soo wajah do taasoo dagaal keenu karta ,sidoo kale wax aa la faray muwaadiniinta inay xirtaandaaqa daha iyo albaabada gaadiidkood.

RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA|Q-4AAD


Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu wey neeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farx aa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad waayo wa xaa jira dad badan oo soomay sanadkii tag ay Dorraadna ka mid ah ahlu qubu urka oo su gaya in lagula xisaab tamo maalinta Qiy aa me wixii ay hor marsadeen, ama waxaa jira ku wo bukaan ah oo nool weli laakiin aan awoo din in ay Soomaan, sidaa darteed markaa na waa inuu u istaagaa ka faa’iideysiga Maalm aha iyo Habeenada barak eysan ee Bishan Ram adaan, hadii kale waxaa hubaal ah ruux uu aan ka faaiid eysan in uu ma alinta Qiyaame ka shalaayi doono fursa dihii uu dayacay maal intaasoo shalaay uusan waxba u tari doonin

أَن تَقُولَ نَفْسٌ يَا حَسْرَتَى علَى مَا فَرَّطتُ فِي جَنبِ اللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ السَّاخِرِينَ

أَوْ تَقُولَ لَوْ أَنَّ اللَّهَ هَدَانِي لَكُنتُ مِنَ الْمُتَّقِينَ أَوْ تَقُولَ حِينَ تَرَى الْعَذَابَ لَوْ أَنَّ لِي كَرَّةً فَأَكُونَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ

Oo Macanaheedu yahay:

Ama odhan nafu shalytideydii waxaan ku gab oodfalay cidbaada Allah, waxaana ka mid ahaa kuwa jees jeesa. (Aayada 56: Zumar)

Ama ayan odhan haddii Alle ihanuuniyo wax aan ka mid noqon lahaa kuwa dhoowrsan.

(Aayada 57: Zumar)

Waxaa uu yiri nin Gabya asagoo tilmaama ya sida bilaha qeyrkooda u dhaamado si dhaqsa ah ayadoo dadka badankiis aysan ka faaiideysan:-waa tagay Rajab adigoon wax ba wanaag ah sa meynin, midkaan waqtigiisa day acayoow jahli dartiis, mardambaad mac aan ada aduunka we yn doontaa, ee ka gaar wixii gafa ah intaad awoo do, si aad nabad uga he sho Jaxiimo, waxaa yim id shacbaan …… ……dadka dambiyada waa weyn la yim aad waxaa u wanaagsan in ay ka gaaraan …

مضى رجبٌ، وما أحسنتَ فيه *** فيا من ضيَّع الأوقاتِ جهلاً

فسوف تفارقُ اللذاتِ قهرًا *** تداركْ ما استطعت من الخطايا

على طلبِ السلامِ من الجحيمِ *** وهذا شهرُ شعبانَ المبارَكْ

بحرمتها، أفِق، واحذر بَوارَكْ *** ويخلي الموتُ- كَرهًا- منك دارَكْ

بتوبةِ مخلصٍ، واجعل مدارَكْ *** فخير ذوي الجرائم من تدارَكْ

Nabiga Suuban (scw) waxaa uu ku sheegay Xadiis inuu jibriil ku yiri:-Qofkii gaara Ramadaan ee aan ka faaiideysan Naarta allaah haku foge eyo, markaasuu weliba malaku Jibriil raaciyay dheh aamiin, nabigana waxa uu yiri aamiin.

” من أدرك شهر رمضان فلم يغفر له ، فدخل النار ، فأبعده الله ، قل آمين ، فقلت آمين ” [ أخرجه البخاري في الأدب المفرد وابن حبان والترمذي والطبراني بإسناد حسن ]

oo macnihiisu yahay:

"Qofkii Ramadaan soo gaara oo aan loo danbi dhaafin saasna naarta ku galaa Alle ha ku fogeeyo,dheh Aamiin,waxaan dhahay Aamiin,”

Xadaiiskaan waxa uu tusayaa in Ruuxii aan ka faaiideysan Bishaan Barakeysan uu ku dhac ayo habaarkii Malaku Jibriil iyo kii Nabi Muxamad (scw)

Sidaa daraadeed waa inaan laabta galinaa in ay nimco weyn tahay in ruuxii nolol iyo Ca afima ad ku gaaraa Bishaan barakeysan loona baahan yahay inuu ku farxaa qof kasta oo Muslim ah sidii ay ugu farxi jireen Muslimiintii horeysay Dadkii wanaagsanaa iyo Culu ma da waxay illaah ka

baryi jiray inuu gaarsiiyo Bisha Ramadaan inta lagu jiro Bilaha kale ee ka horeeya Ramadaan waxayna dhihi jira illaa how noo barakee Bisha Rajab iyo Shac baan Ramadaana na gaarsii

” اللهم بارك لنا في رجب وشعبان ، وبلغنا رمضان ”

Waxaa xusid mudan in aysan ahayn Xad iis nabiga ka Sugnaaday waana daciif xad iiska la sheego in uu nabiga saas oran jiray: waxaa ku jira nin la oran jiray: Zaa’Idaha ibnu abii raqaad. (زائدة ابن أبي الرقاد وقد رواه عن زياد النميري.)

Bukhaari: wuxuu yir Ninkaas xadiiskiisa waa munkar (قال البخاري: زائدة عن زياد التميري منكر الحديث.)

Waxaa weliba loo baahan yahay in Musdli miinta lagu baraarujiyo fad liga Bishan sida ku cad Xadiiska iyo Quraanka.

Waxaa hadaba intaaas dheer in aan ogaano in soomitaanka Bishaan ya hay Tiir ka mid ah Shan tiir oo waa weyn oo Diinkeena Islaamka ku dul taa gan yahay, taasoo mac nah eedu yahay qofkii awooda ee aan Soomin asa goo wax fasaxa ah ka heysan Shareec ada Islaamka in Islaamnimo sax ah heysan.

” بُني الإسلام على خمس : شهادة أن لا إله إلاّ الله وأن محمداً رسول الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وصوم رمضان وحج البيت ” [ متفق عليه ]

oo macnihiisu yahay:

Islaamkii waxaa lagu dhisay shan:

1. Qiritaanka in uusan jirin Alle (xaq lagu caabudu) Alle ma’oyee ,Max ammedna yahay Rasuulkii Alle.

2 Salaada in la oogo( yacnii la tukado oo la wanaajiyo tukashadeeda)

3. Zakada la bixiyo(qofkii xoolo haysta oo ay zakadaii ku waajibtay)

4.Soomidda Bisha Ramadaan

5.Gudashada xajka.

Marka waxaa lagama maarmaan ku ah qofkii doonaya inuu Diinkan oo dhamees tiran qabsadaa waa inuu Soonka la yimaadaa maxaa yeelay illaa h(cw) waxa uu ku waaji ba yay Muslim walbaa inuu guto waajibka as sida ku cad xadiiskan:-

: ” أتاكم شهر رمضان ، شهر مبارك ، فرض الله عز وجل عليكم صيامه ، تفتح فيه أبواب السماء ، وتغلق فيه أبواب الجحيم ، وتغل فيه مردة الشياطين ، لله فيه ليلة خير من ألف شهر ، من حُرم خيرها فقد حُرم ” [ أخرجه النسائي وصححه الألباني ]

oo macnihiisu yahay:

Waxaa idiin yimi Ramadaan, Allana idinku wajibiyay Soonkiisa, waxaa la furaa Albaab ada Samada, waxaana la xiraa Albaab ada jaxiiima, waxaa kaloo la xiraa shayaadiinta ma daxa adag, waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun Bilood, qofkii laga xarimaa khayrkee da oo dhan waxaa laga xarimay khayrka.

Xadiiskan waxa uu tusayaa waajibnimada Bis ha Ramadaan iyo fursa daha waa weyn ee ku jira Bishan sida in la albaabaha Janada la furayo, in albaabaha Naarta la xerayo,in Shayaadiinta madaxa adagna la xerayo ta asoo macnaheedu yahay waxaa jira fursado badan oo hadii aad ka faaiidey sataa ay ka dhalankartaa inaad Janada gashaa Naartana lagaa badbaadiy aa, waxaana weliba xadiiska sheegay fursadaha ku jiraa Bishaan waxaa ka mid ah in ay jirto habeen habeenadiisa ka mid ah oo ka badan Xaga abaal marinta wanaagyada la sameeyaa 1000 habeen .

Sidaa darteed ayuu inbu rajab alxambali yiri : قال ابن رجب – رحمه الله-: "وكيف لايُبشّر المؤمن بفتح أبواب الجنان؟ وكيف لا يُبشّر المذنب بغلق أبواب النيران؟ وكيف لا يُبشّر العاقل، بوقت يُغلّ فيهالشيطان، ومن أين يشبه هذا الزمان زمان؟

Oo macnihisu yahay:

Siduusan Ruux Mu’min ah ugu Bishaarey saneyn furitaanka Albaabada Ja nada? Si duu san Ruuxa Dembaabay ugu Bishaareysaneyn Xeritaanka Al baabada Naaraha? Sid uusan ugu Bishaareysaneyn ruux Caqli leh waqti sheyaadiinta madaxa adag la xeraayo? ma waxaa jira xiligas xili la mid ah?

Waxaa uu weliba Nabiga Suuban (scw) sheegay in bishaan ay furan tah ay fursado bad an oo lagu helo Dambi_dhaaf sida Soon ka, Salaada habe enkii iyo Salaada habeen ka Qadarka, hadii si niyad ah oo ajarfilasho ah uu ruuxa ula yimaado arimahaas la soo sheegay

” من صام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام ليلة القدر إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ” Oo macnihiiisu yahay:

Qofkii u Soomaa Dhab(run) iyo asagoo ajar dalab ah waxaa loo dhafaa danbigii u hor eeyay, qofkii u istagaa salaad asagoo Rumay san, iyo ajar da lab waxaa loo dhafaa danb igii u horeeyay, qofkii u istagaa (salaad) asagoo rumaysan iyo ajar dalab waxaa loo dhaf aa danbigii u horeeyay.

Soow nasiib xumo ma aha in Dadka qaar ka dhigtaan Bishaan Barakeya san Bil Cun to, Cabid ,Hudo,Jiif Ciyaar sida Kubada, turubka iyo Dumlada waxa loo yaqaan oo caado dadbadani ka dhigteen in ay ku gaar yeelaan Bi shaan?!! Soow nasiib xumo ma aha in dhalinteenii badankeen garaneynin ula jeedada uu illaah (cw) Bishaan soonkeeda u waajibiyay?!!

Soow illaah (cw) ula jeeda Soonka Bishaan ka ma dhigin in (Taqwo) alle ka cabsi looga faaii diisto?

Soow Bishaan ma aha Bil uu illaah (cw) til maamay in uu gaar u leeyah ay,abaal gud ke edana uu si gaar ah u bixiyo asagoon xisa absaneyn

قال صلى الله عليه وسلم : قال الله عز وجل : ” كل عمل ابن آدم له إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي به ، والصيام جنة (حجاب) ، فإذا كان صوم يوم أحدكم ، فلا يرفث ، ولا يصخب ، فإن سابه أحد أو قاتله فليقل : إني صائم ، إني صائم ، والذي نفس محمد بيده لخلوف فم الصائم عند الله أطيب من ريح المسك ، للصائم فرحتان يفرحهما ، إذا أفطر فرح بفطره ، وإذا لقي ربه فرح بصومه ” [ خرجه البخاري ومسلم ]

Waxaa kaloo xadiiskan ku tusayaa in Soonku yahay Gaashaan looga dhwrsado Naa rta, sidoo kalana waxaa uu tusayaa xadiiskaan in Soonka xa ga aadaabtana uu la leey ahay xeriir oo waxaa laga rabaa midka sooman inuusab xumaan ku hadal buuqna galin xataa hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalamana uu dulqaato asaga oo leh wan soomanaha waan sooma nahay, maxaa yeelay hadii kale waxaa dhaceysa in ajarkii soonka ka yara ado ruuxii soonaa amaba ka buro halkaasna uu dembi weyn ka Xambarsto.

Waxaa kaloo xadiiskaan tilmaamay in af urka ku yiimaad ruuxa sooman uu yahay midka wanaagsan xaga allaah (cw) waxa aan carafta ku tilmaano sida Miskiga maxaa yeelay waa ur ka dhashay Cibaado uu illaah (cw) jecel yahay

Waxaa kaloo xadiiskan tusayaa laba farxado od oo waa weyn inuu helo ruu xii sooma , tan hore waa inu u kui farxaa afurka marka uu afa rayo, tan laba adna waa inuu farxad weyn hel aa maalinta Qiyaame m,arka uu hor istaago Rabi (cw), waxaana uu Nabiga (scw) sheegay in Janada uu ku yaal albaab u gaar ah KUwa Soomida badan oo aysan cidkale albaabkaas Janada ka galin, cidii gashaana waa la waraabiyaa si uusan mar dambe weligiis oon u arag waxaa la yiraahdaa albaabkaas Ray aan.

” إن في الجنة باباً يقال له الريان ، يدخل منه الصائمون يوم القيامة ، لا يدخل منه أحد غيرهم ، فإذا دخلوا أُغلق ، فلم يدخل منه أحد ” [ أخرجه البخاري ومسلم ] ” فإذا دخل آخرهم أُغلق ، من دخل شرب ، ومن شرب لم يظمأ ” [ أخرجه ابن خزيمة وهو حديث حسن صحيح

Waxaa ay nagu baraarujinayaan nusuustaas oo dhan in aan fursadaha Bishaan ka faaiideysanaa kuna faraxsanaanaa , hadiise ay taas dhici we yso amaba uu ruuxa gebi ahaanba soomi waayo waa Dembi aad u weyn Nabiga Suuba (scw) waxaa uu ka digay in ay jiraan dad aan soonka ka faai ideysan waxa uuna yiri:-Waxaa badan ruux sooman oo aan soonkiisa ka heleynin wax ka badan Oon iyo Gaajo..

رب صائم ليس له من صيامه الاجوع والعطش

waxaana hubaal ah dad badan oo aan fursad u aqoon soonka in ay jira an hadana sooma maadaama dadkii oo dhan ay sooman yihiin, ayagoo aad uga murga Bilashada Bisha aadna ugu farxa habeen walba oo ka mid ah Bisha oo gudba.

Waxaa culimada qaar ka sheegaan in ay jiraan dad aad ugu daadaala cabitaanka Biyaha iyo cuntada maalmaha Soonku soo dhawaado ayagoo oo u maleeyo in Caloo shoodu wax sahay ah oo Cunto ah u celin karto, waxaana laga sheegaa inuu nin shaacir ah oo aan soonka Bilashadiisa ku faraxsaneyn yiri:- !

إذا العشرون من شعبان ولّت *** فبادر بالشراب إلى النـــهارِ و لا تشرب بأقداحٍ صغـارٍ *** فإن الوقتَ ضاق على الصغارِ

Oo macnihiisu yahay:

hadii Bisha shacbaan 20 gaarto waxaad badisaa cabitaanka biyaha weliba adigoo ku cabaaya weelal waa weyn maxaa yeelay waaqttigii weel yar biyo lagu cabi lahaa waa car iiriyoobay!! Waa murugo in kuwa saas ah aay sheegtaan in ay jecel yihiin Diinka Islaam ka oo ku faraxsan yihiin Bila shada Ramadaan, waxaa Muslimiintii hore caado u ahaan jirt ay inay illaah ka baryi jireen inuu gaarsiiyo Ramadaan sanadka barkiis ,barka kalana wa xa ay illaah ka baryi jireen inuu ka aqbalo Cibaadooyinkii ay sameesteen Bi sha Rama daan ioo sanadka oo dhan waxaa fursad xaga Cibaadaadka ah Muslimiinta uga arki jireen Ramad aan si gaar ah

.LA SOCO QEYBO KALE…

waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsadecalixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: calinuur, ramadaan


WAR GELIN:-

Maamulka Sare ee Wargeyskan wuxuu Macaami shiisa iyo Akgrista ya ashiisaba ku wargeinayaa Dhammaanba walaalayaalshe ena Qiim aha ba dan ininta ay socoto Bisha Bar akeysan ee Ramad aan ay wargeyskan uu usoo gudbin doono Daruus Diini ah oo la xirii rta Fadaa’iishaay Xanb aarsan tahay Bishan.

Haddaba waxan ka codsaneynaa inay ka ilaaliyaan in ay meelo aan ku habbooneyn inay dhigaan ama ku tuuraan Nuqullada joornaalk an ee Daru usta ku Qoran tahay Marka walaalayaal Alle ha idinXafi dee ka ilaaliya meelaha wasqeysan eedhiga meel wanaa gsan ee sareysa Mahadsanid.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip