Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka

0
Thursday March 14, 2024 - 12:06:54 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, oo shir-guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, oo shir-guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood. Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah; 1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto) 2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil 3. Muna Cumar Xasan 4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal. 5. Axmed Maxamed Cabdi⁠ 6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠ 7. Hinda Daahir Jaamac 8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan 9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha. Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey'adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip