Sheekh Shariif oo War kasoo saaray xaalada cakiran ee Baladweyne

0
Thursday March 14, 2024 - 12:30:02 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo War kasoo saaray xaalada cakiran ee Baladweyne

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan Maamulka laga magac baxay H

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan Maamulka laga magac baxay Hiiraan State oo jooga magaaladaasi. Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu marka hore tacsi u diray dhammaan dadkii ku naf-waayay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee Baladweyne ka dhacay oo ku dhinteen laba qof, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay xoojiyaan nabadda, isla markaana ay ka feejignadan wax walbo oo keeni kara dhiig, wuxuuna dadka abaabulaya dagaalka ka dalbaday inay joojiyaan falkaasi. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxa uu dhinacyada ku dagaalamaya Baladweyne ugu baaqay inay fursad siiyaan nabadda, isagoo intaas kusii daray in loo baahan yahay in waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka u istaagan sii joojin lahaa dagaalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip