Maxaad ka taqaanaa kaniinka ay duuliyeyaashu isticmaalaan si aysan u hurdin?

0
Friday March 15, 2024 - 16:34:35 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaanaa kaniinka ay duuliyeyaashu isticmaalaan si aysan u hurdin?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

kaniin

Todobaadkaan ayaa waxaa la soo wariyay in laba duuliye oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Indonesia ay hurdo la dhaceen xilli ay hawada sare ku jireen.

Laakiin cilladaan ah in duuliyeyaashu hurdoodaan iyaga oo hawada ku jira, ayaa waxaa mudaba la tacaalayay milatariga, iyaga oo markii dambe u helay xal la yaab leh.

Kaniiniyadaan cajiibka ah ayaa markii ugu horeysay waxaa laga dhex helay boors ay lahaayeen Naasiyiinta kadib markii la soo riday diyaarad dul maraysay Ingiriiska xilli uu socday dagaalkii labaad ee adduunka – dagaalkaas oo ahaa mid aad u daba dheer dhan walbaba.

Xilligaas waxaa loogu talagalay kaniinka in ay isticmaalaan duuliyeyaasha daala, waxaana loo aqoon jiray "Cusbada duuliyayaasha”.

Markii ugu horeysay tijaabo ahaan loo qaatay, balse markii dambe dawladda Ingiriiska ayaa sameysay nuuc isaga lamid ah.

diyaarad

Natiijadii cusbeed laga dhaxlay kaniiniyadii ay wateen duuliyeyaashii la soo riday ayaa aad u baahday, iyada oo isticmaalkeeda a ka faa’iideysteen dad badan oo habeenkii shaqeeya guud ahaan Yurub. Balse markaas hawsha kaniinku bilow ayay ahayd.

Daawo taas la mid ah oo lagu magacaabo dextroamphetamine, ayaa hadana caan noqotay intii uu socday dagaalkii Gacanka ee socday sanadihii 1990 kii ilaa 1991 dii, xilliigaas oo ay aad u isticmaalayeen duuliyeyaasha Maraykanka ee qaadayay weeraradii duqaynta ahaa ee ugu hoeeyay ee laga fulinayay Ciraaq iyo Kuwait.

Ilaa maanta kaniinkaas waa ay siticmaalaan duuliyeyaasha Maraykanka, iyaga oo u isticmaala isla sababtii ay u isticmaalayeen ragii la soo riday diyaaradooda oo ahayd daal, kaas oo ay la dhacsaali karaan duuliyaashu inta ay ku guda jiraan hawlgallada masaafada dheer loo socda ee khatar galin kara badbaadadooda.

Balse waxaa jira dhibaato kale. Daawada Amphetamines ayaa ah mida ay aad u qabatimi karaan dadka isticmaala – oo xitaa xilligii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka ayaa si khaldan loo isticmaali jriay. Sidaa daraadeed ayaa sanadahaan dambe ciidamada waxay baadi goob ugu jireen in ay helaan wado kale oo ay ku soo saaraan dawo kale.

Tusaale ahaan, modafinil oo ah maado daroogo ah oo kicisa dareemayaasha maskaxda oo markii horana loo isticmaali jiray in lagu daweeyo xanuunka narcolepsy ee hurdo xumada keena ayaa la tijaabiyay sanadkii 1970 ki, ma aysan shaqayn maadaama daawadaan dadka hurdada ka ilaalineysa ay dhanka kale leedahay saameyn xun oo dib qofka wax ugu dhinta.

Dawadaan ayaa markii hore la muujiyay in ay waxtar yeelan karto taas oo dhinacyo badan ka caawin karta, sida in dhugtoodu soo jeedo ayna daalka badan hilmaansiin karto.

Laakiin Modafinil waxay dhinaca kale ku wadatay saameyn taban. Waxaa ka mid ahaa saameyntaas taban in qofku dhidido, madax xanuun iyo xitaa in qofku aad u qarwo.

Iyada oo waxaasoo dhibaato ah jiraan ayaa hadana mararka qaar waxay ahayd mid waxtar u leh dadka doonaya in ay soo jeedaan. Cilmibaaris xilli hore la sameeya ayaa waxay tilmaantay in daawadu ay qofka soo jeedisay 64 saacadood oo xiriir ah ayna la awood egtahay 20 koob oo kafee ah.

diyarad

Dhibaatooyinka ku hareereysan

Dabcan waxaa jira arimo adadag oo ay ka mid yihiin sharci iyo xataa anshax ahaan oo la xiriira in ciidanka qalabka sida la siin karo maadamada modafinil. Balse waxaa is waydiin leh waxa ku dhici kara qofka diida isticmaalka daawadaan isaga oo ku jira hawlgal adag oo guushiisa la sugayo.

Cilmibaaris lagu sameeyay ciidanka milatariga Canada ayaa waxay tibaaxeysaa dhowr caqabadood oo ka dhalankara isticmaalka maadadaan.

Inkasta oo ay sharci darro tahay in askarta lagu qasbo I ay isticmaalaan daawooyin ayaa hadana waxaa daw sharci oo lagu leeyahay ah askarta "in ay sameeyaan wax walba oo waajibaad ah oo loo diro xillii kasta oo loo baahdo habeen iyo maalin”. Sidoo kale halista ah in ay dhex seexdaan diyaarada iyaga oo duuliyeyaal ah ayaa ah mid aad u wayn kaas oo ay ka dhalan karaan in dad shacab ha ku dhintaan, in ay burburto diyaarad qaali ah oo tobanaan milyan oo doolar joogta iyo in ay guul dareystaan hawgalo muhiim ah.

Arrintaan maxay uga dhigan tahay duuliyeyaasha rayidka ah?

Inkasta oo waqtiga ay ku jiraan shaqada duuliyenimada uu ka nidaamsan yahay kan duuliyaasha milatariga, hadana waxay waqti dheer oo gaari kara ilaa 1,000 saacadood ay sanad walba ku bixiyaan hawada sare, iyaga oo la harjada ceeryaamooyinka iyo waliba daal aad u dran.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip