Maxay siideynta Cabdi Muxumed Cumar ka badali kartaa siyaasadda dawlad deegaanka Soomaalida?

0
Friday March 15, 2024 - 15:39:41 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay siideynta Cabdi Muxumed Cumar ka badali kartaa siyaasadda dawlad deegaanka Soomaalida?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

.

Soo deyntii madaxweynahii hore ee dowlad deeganka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo tan iyo bishii August ee sanadkii 2018 kii ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa hadal hayn ka dhalisay fagaarayaasha siyaasadda ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Qar kamid ah bulshada dedka degan DDS, gaar ahaan kuwa siyaasadda u dhuun daloola ayaa sii deynta Cabdi Maxamuud Cumar baraha bulshada si wayn uga falceliyay.

Su'aasha ugu badan badan ee dadku is weydiinayaan ayaa ah waxa xigi doona siideynta madaxweynahaan hore ee ku eedeysnaa dambiyo ay ku eedeysay dawladdu oo ay ka mid ahaayeen ku tumushada xuquuqda aadanaha.

Soo deynta Cabdi ayaa kusoo aadaysa xilli si gaar ah Itoobiya colaaddo uga socdaan gobolka Amxaarada, Ismaamulka Oromoda, macaluul baahsana ay ka jirto dowlad deegaanka Tigrayga. Xilli si guudna xaaladda gobolku ay ka taagantahay xiisado kala duwan ha ugu horreyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

.

Maxay sii deyntiisu ka badali kartaa siyaasadda deegaanka?

Mustafe Barkhad oo ka faalooda siyaasadda oo ku sugan Jigjiga, waxa uu qabaa in maadaama Cabdi Muxumed Cumar maxbuus ahaa in muddo ah uusana qayb ka ahayn nidaamyada siyaasadda ee ka jira dawlad deegaanka uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin siyaasadda Dawlad Deegaanka Soomaalida.

"Waqtigu wuu is badalay, hadii qofku nidaamka ku dhex jiro ayuu dalka iyo dadka wax ka dhex samayn lahaa. Doorka uu yeelan karo uma maleynayo in uu yahay mid macno badan sameyn karta marka la eego wajiga siyaasadeed iyo marxaladda haatan ka jirta dawlad deegaanka," ayuu yiri Mustafe oo BBC da la hadlayay.

Balse dadka ka faalooda siyaasadda ee gobolka qaar ayaa qaba in Cabdi Muxumed uu qayb ka noqon karo siyaasadda gobolka isaga oo ka imaanaya dhinac dawladda federaalka ee Itoobiya.

Cabdifitaax Jaamac oo isna ka faalooda siyaasadda gobolka ayaa aaminsan in suurgal ay tahay in shaqooyin lataliye amni ee heer federaal iyo kuwa la midka ah la siin karo Cabdi, taas oo si gooni ah loogu aadin karo amniga Soomaalida, taas ayaana saameyn amni iyo mid siyaasadeed oo toos ah ku yeelan karta dawlad deeganka Soomaalida.

"Waxaa suuragal ah maadaama madaxdii Tigreega ee xidhnaan jiray laga qayn galiyay dawladda asagana in laga qayb galiyo oo heer federaal jago ah...in ay ku magacabaan," ayuu yiri Cabdifitaax Jaamac.

Sababta laga yaabo in jagadaas loogu dhiibo madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayuu ku micneeyay Cabdifitaax in ay tahay in dawladda federaalku isku deyayso in ay xakameyso qulqulaatooyin amni oo ka dilaaca aagga.

Laakiin Mustafe Barkhad lama aha arrintaas mid suuragal ah, maadaama sida uu qabo siideyntiisu aysan xiriir la lahayn siyaasadda dawladda.

"Asaguba markii uu xalay hadlayay waa kii lahaa 'anigu waxaan ahay qof ka mid ah shacabka deeganka uun oo madaxweyne hore ah." ayuu hadalkiisa raaciyay Mustafe.

Laakiin labaduba waxay isku raaceen in xilligaan aysan furnayn albaab uu siyaasadda mar kale si toos ah uga soo gali karo Cabdi Muxumed.

.

XIGASHADA SAWIRKA,ETV

Cabdi Maxamuud ayaa ka talinaayay deegaanka Soomaalida tan iyo 2010 kii waxaase la xidhay kadib markuu xilka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed.

Qalalaase ka dhacay magaalada Jigjiga horaantii bishi Aguest kadib ayuu Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iska casilay xilkii madaxweyne ee deegaanka, kadibna waxaa lagu xidhay xabsi ku yaala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa maanta ah mid kamid ah meelaha siyaasad iyo amni ahaan ugu xasilloon gobolka iyadoo ururkii mudada dheer ka dagaalami jiray dowla deegaanka Soomaalida ee ONLF uu maanta yahay urur siyaasi ah oo si nabdoon ku raadinaya xuquuqdii uu qoriga ku dooni jiray.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa loo magacaabay madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida isaga oo 2021 mar labaad doorasho mucaaradku dhaliisnanayeen mar labaad loogu doortay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, isaga oo muddo xilleedkiisu ku egyahay 2025.

Inaksta oo aan si aad loo caashaqsaneyn siyaasadda madaxweynaha talada haya haatan Mustaf Cagjar, marka la barbar dhigo waqtigii uu imaanayay sida ay sheegeen qaar ka mid ah shacabka, ayaan hadana abaal badan loo hayn Cabdi Muxumed oo dad badan oo deegaanka ah, dawladda Itoobiya iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen in uu gaystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip