Daawo: TAAKEEYE oo si yaab leh u bedelay fikirkii xagjirka ahaa ee uu ka faafin jiray…

0
Saturday March 16, 2024 - 10:48:50 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: TAAKEEYE oo si yaab leh u bedelay fikirkii xagjirka ahaa ee uu ka faafin jiray…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Sufyaan Axmed Taakeeye oo maanta la hor geeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dafiray fikirkii uu la joogi jiray baraha bulshada, kaas oo muujinayey in ninkaan uu khatar ku yahay umadda, maadaama uu cadeysa jiray xagjirnimo.

Taakeeye oo markii hore aaminsanaa in Shabaab iyo dowladda ay yihiin dhinacyo isla mid ah oo dagaal ka dhaxeeyo, isla markaana uu wato xisbi kale oo doonaya in dalka uu ku maamulo shareecada islaamka ayaa maanta muujiyey inuu ka soo dabcay fikirkaas.

Yaxyaabaha la yaabka leh ee maanta uu Maxkamadda ka hor sheegay Sufyaan waxaa ku jirtay in dastuurka dalka uu wax ka dhameystirayo, maadaama uu yahay aqoonyahan weyn, halka markii hore uu aaminsanaa in dastuurka Soomaaliya uu uusan ‘waafaqsaneyn shareecada islaamka.’

 

"Xeer ilaalintu waxay iga bixisay sawir qaldan, waxay iga dhigeen nin doonaya in dalkaan uu qaribo, maahi ninkaas guddoomiye, waxaan ahay aqoonyahan, waligeyna argagixiso ma taageerin,” ayuu maxkmadda ka hor yiri Sufyaan.

Sufyaan Taakeeye ayaa muuqaalo tixane ah oo horay uu u baahiyey wuxuu ku sheegay in qaraxyada Shabaab-ka uusan waxaba u arkin, maadaama oo Shabaab ay dagaal kula jiraan dowladda, isagoo markaas Shabaab iyo dowladda ka dhigayey in aysan kala rooneyn.

Xisbigiisa wuxuu ula baxay ‘Talo Ku Nool’ wuxuu sheegay in uusan u ogoleyn inuu soo galo qof ka shaqeeya dagaal ama doonaya inay dagaal wax ku raadiyaan, isagoo sheegay inay sameynayaan xeelad kasta oo xukunka Soomaaliya ay kula wareeji lahaayeen.

 

 

"Waligey argagixiso ma taageerin, qeyb kama noqon, waana ka soo horjeedaa in qof Soomaali ah la dilo, shacabka kaliya maaha, ciidanka xildhibaanada iyo masuuliyiinta dowladda, in la dilo raali kama ihi,” ayuu yiri Taakeeye.

Ninkaan ayaa 3-dii October 2023 laga soo qabtay magaalada Nairobi, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo maanta la hor geeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida.

 

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip