Wararka

FAAHFAAHIN: Socdaalkii Madaxweyne Xasan & Wafdigiisii ay ku tageen Beledweyne (SAWIRRO)

0 Visits: 903 | Monday December 21, 2015 - 20:06:25
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka oo duhurnimadii maanta Beledweyne soo gaaray, ayaa durba billaabay kulamo kala duwan iyo wadda-tashiyo ay la yeelanayaan

Read More »

Sepp Blatter iyo Michel Platini oo 8 sano laga ganaaxay ciyaaraha

0 Visits: 691 | Monday December 21, 2015 - 19:58:51
Madaxweynaha Guddiga Kubada cagta Adduunka ee FIFA Sepp Blatter iyo Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee Yurub Michel Platini ayaa laga mamnuucay muddo 8-sano ah inay qabtaan wax shaqo oo ku saabsan ciyaaraha.

Read More »

Laba nin oo u shaqaynaayay Dowladda Somaliya oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

0 Visits: 742 | Monday December 21, 2015 - 19:52:26
Laba nin oo u shaqaynaayay Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay baxsadeen kuwii dilalkooda ka dambeeyay.

Read More »

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledweyn

0 Visits: 695 | Monday December 21, 2015 - 19:49:21
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiran, maalin ka dib markii wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii hore C/fataax Xasan Afrax.

Read More »

Jawaari "Dowladda Hoose ha lagu wargeliyo inaan lagu deg degin hantida ma guurtada Baarlamaanka"

0 Visits: 706 | Monday December 21, 2015 - 19:43:35
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee maanta, kaasoo warbixin looga dhageystay Guddi loo saaray arrinta Ex Xaruntii Baarlamaanka ayaa sheegay in aan la bixin karin hantida maguurtada Baarlamaanka.

Read More »

In ka badan 10 qof oo maanta lagu dilay Caasimadda Wadanka Jabuuti

0 Visits: 736 | Monday December 21, 2015 - 18:32:21
In ka badan 10 qof oo shacab u badan, ayaa waxaa maanta lagu dilay Magaalada Djibouti, ka gadaal markii iska horimaad ay la galeen Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti.

Read More »

Xafladda Cayaaraha HIRDA iyo Abaal-marinta Sannadka oo lagu qabtay dalka Holland (SAWIRRO)

0 Visits: 939 | Monday December 21, 2015 - 11:56:18
Xaflad lagu Furayay Cayaaraha Xagaaga ee HIRDA AFT 2015-ka, ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland. iyadoo sanadkan uu noqonaya kii 11-aad, isagoona aad ugu duwanaa sanadihii hore marka la fiirayo qaabka qaban qaabada iyo barnaamijyada lagu soo biiriyay.

Read More »

Shabaab oo weerar Dhimasho sababay ka fuliyay dalka Kenya

0 Visits: 796 | Monday December 21, 2015 - 11:32:31
Ugu yaraan labo ruux ayaa geeriyootay, kadib markii weerar lagu qaaday Gaari bas ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, meel ku dhaw Magaalada Mandheera, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Read More »

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hadlaya Sharciga Been Xalaaleynta

0 Visits: 742 | Monday December 21, 2015 - 11:27:55
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa kulankooda waxa ay uga hadlayaan Sharciga Been Xalaaleynta.

Read More »

Barre Hiiraale oo lagu wado inuu shir kaga qaybgalo Magaalada Kismaayo

0 Visits: 797 | Monday December 21, 2015 - 11:22:42
Warar soo baxaya ayaa sheegayaa inay socoto qaban qaabada shir ku aadan isfahan dhexmara Barre Aadan Shirre {Barre Hiiraale} iyo Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin ee ay ku kala aragtida duwan yihiin Dhismaha Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.

Read More »

15 ruux oo ku dhaawacmay qarax ka dhashay Bas ka mid kuwa ka shaqeeya Nayroobi

0 Visits: 731 | Monday December 21, 2015 - 11:11:56
Illaa 15 ruux oo rakaab ah ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay mid ka mid ah Basaska ka shaqeeya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu ahaa qaraxa. Qaraxa ayaa ka dhex dhacay gudaha gaariga dadweynaha ee loo yaqaano Matatu, xilli uu marayay agagaarka halka lagu…

Read More »

Cali Guudlaawe "Waan soo dhoweyneynaa in Jowhar marti geliso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe"

0 Visits: 707 | Monday December 21, 2015 - 11:07:32
Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Maxamed Xuseen{Cali Guudlaawe} ayaa soo dhoweeyay wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo aheyd in magaalada Jowhar ay marti gelineyso shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Read More »

Xoogaga Taalibaan oo la wareegay magaalo ka tirsan gobolka Helmand ee Afghanistan

0 Visits: 738 | Monday December 21, 2015 - 11:02:10
Dagaalyahano ka tirsan Ururka Taalibaan ayaa la wareegay magaalada Sangin ee ka tirsan Gobolka Helmand ee dalka Afghanistan, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay go'doomiyeen, kadib weeraro culus ay ku qaadeen. Saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa sheegay in Taalibaan ay guulo ka gaareen dagaalka…

Read More »

Halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu dhawaaqay

0 Visits: 714 | Monday December 21, 2015 - 09:36:04
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu dhawaaqay in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu qaban doono shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Read More »

Diyaaradii Air France ee ku degtay Mombasa oo laga helay Bam faalso ah (Sawirro)

0 Visits: 688 | Monday December 21, 2015 - 09:23:57
Diyaaradii kuwa rakaabka ee ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Air France ayaa la sheegay in laga helay walxo u eg Bam been abuur ah, kadib markii ay si deg deg ah u caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA DICEMBAR 2015-KA

0 Visits: 1056 | Monday December 21, 2015 - 09:02:56
MADAXWEYNAHA: ''CIIDANKA BOOLISKA WAXAA UU TUSAALE U YAHAY DIB U SOO KABASHADA SOOMAALIYA'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20ka December awgeed…

Read More »

Dowladda Federaalka Somalia oo Guddoomiye Cusub u Magacowday Maamulka Gobolka Hiraan

0 Visits: 706 | Sunday December 20, 2015 - 20:01:17
Warar soo baxay maanta ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u magacaawday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo horay labo jeer guddoomiye uga soo noqday gobolka.

Read More »

SHARIIF XASAN: Maamul ahaan marna Aqbali mayno in Cadaalad-darro Wax lagu Qaybsado

0 Visits: 721 | Sunday December 20, 2015 - 19:59:35
Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan oo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ku laabtay ayaa sheegay in aysan marnana aqbali doonin wax cadaalad-darro ah, isagoo sheegay in habka awood-qaybsiga 4.5-ka ay u arkaan inuu yahay nidaam cadaalad ah.

Read More »

BELEDWEYNE: Wasiirro ka Qayb-galay Xuska 72-guuradii aasaaska booliska Somalia (Sawirro)

0 Visits: 773 | Sunday December 20, 2015 - 19:56:51
Xubno ka socday labada gole ee dowladda Somalia, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan , saraakiil iyo marti-sharaf kale ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb-galay xuska munaasabada 72 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada booliiska Soomaaliyeed.

Read More »

Weerar xagga cirka ah oo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbullah (SAWIRRO)

0 Visits: 726 | Sunday December 20, 2015 - 19:43:01
Weerar dhinaca cirka ah, ayaa waxaa saacadihii hore ee Axada maanta ah lagu dilay Samiir Qantar, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbullah oo fadhigiisu uu yahay dalka Lubnaan.

Read More »