Sepp Blatter iyo Michel Platini oo 8 sano laga ganaaxay ciyaaraha

0
Monday December 21, 2015 - 19:58:51 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sepp Blatter iyo Michel Platini oo 8 sano laga ganaaxay ciyaaraha

    Madaxweynaha Guddiga Kubada cagta Adduunka ee FIFA Sepp Blatter iyo Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee Yurub Michel Platini ayaa laga mamnuucay muddo 8-sano ah inay qabtaan wax shaqo oo ku saabsan ciyaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Guddiga Kubada cagta Adduunka ee FIFA Sepp Blatter iyo Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee Yurub Michel Platini ayaa laga mamnuucay muddo 8-sano ah inay qabtaan wax shaqo oo ku saabsan ciyaaraha.

Go’aankan ayaa waxaa uu soo afjarayaa hogaaminta Blatter ee dhinaca maamulka ciyaaraha, waxaana mamnuucistan ay dhaqan galeysaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sepp Blatter ayaa tan iyo sanadkii 1998 ahaa Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA, inkastoo sanadkan uu la kulmay fadeexooyin dhanka musuq maasuq ah.

Blatter oo 79-jir ayaa bartamihii sanadkan ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo bisha Febraayo ee sanadka 2016, xilligaasoo la qabanayo doorashada Madaxtinimada FIFA.

Sidoo kale Madaxa xiriirka kubada cagta ee Yurub Michel Platini ayaa isna waxaa saameyaya ganaaxan hankiisa ahaa inuu bedelo Mr Blatter, waxaana lagu soo eedeeyay wax is daba marin iyo in sanadkii 2011 uu Sepp Blatter siiyay lacag gaareysa labo milyan.

Platini iyo Blatter

Guddiga Anshaxa ee FIFA ayaa ku helay labada Mas’uul anshax daro iyo lacago aan sharci aheyn la siiyay Platini, taasoo soo dedejisay ganaaxa garka loo geliyay ee mudada 8-da sano ah.

Horay ayaa waxaa Madaxda waxaa muddo sagaashan cisho laga mamnuucay kubadda cagta, inkastoo ay racfaan ka qaateen.

FIFA ayaa waxaa tan iyo bishii May hareeyay fadeexado musuq maasuq oo dhaliyay in 14 sarkaal oo sare oo ka tirsan xiriirkaas xabsiga la dhigo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip