Diyaaradii Air France ee ku degtay Mombasa oo laga helay Bam faalso ah (Sawirro)

0
Monday December 21, 2015 - 09:23:57 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradii Air France ee ku degtay Mombasa oo laga helay Bam faalso ah (Sawirro)

    Diyaaradii kuwa rakaabka ee ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Air France ayaa la sheegay in laga helay walxo u eg Bam been abuur ah, kadib markii ay si deg deg ah u caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradii kuwa rakaabka ee ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Air France ayaa la sheegay in laga helay walxo u eg Bam been abuur ah, kadib markii ay si deg deg ah u caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Diyaaradan oo ka soo duushay Mauritius ayaa ku soo jeeday magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana saarnaa 459 rakaab ah iyo 14 shaqaale ah.

Madaxa Shirkadda Diyaaradaha ee Air France Fredric Gagey ayaa sheegay in musqusha diyaarada laga helay Kartoon ku dhex jirtay warqad iyo saacad.

Waxa uu sheegay in qalabka uu u muuqday in laga sameeyay baakado, waraaqo iyo nooc ka mid ah saacad jikada, taasoo la dhigay armaajo ka dambeeya muraayad musqusha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shayga la sameeyay aanu aheyn wax badanaa laga helo diyaarada, waxaana uu u mahad celiyay shaqaalaha diyaaradda iyo Mas’uuliyiinta Kenya, qaabka ay u maareeyeen dhacdadan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in qubaro ka socday Faransiiska iyo Maurituis ay ka caawiyeen in laga soo saaro diyaarada walxihii u ekaa Bamka

Qaar ka mid ah rakaabka saarnaa diyaarada ayaa waxaa su’aalo weydiiyay Booliska, iyadoo la xiray afar ka mid ah rakaabka diyaarada saarnaa oo looga shakiyay dhacdadan

Dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada ayaa si deg deg ah looga daad-gureeyay diyaarada, waxaana la geeyay hotelo.

Faransiiska ayaa xaalad heegan ah ku jira, tan iyo markii bishii hore toogasho iyo qaraxyo ka dhaceen magaalada Paris, iyadoo weerarkaas ay sheegatay kooxda Daacish.

Bishii October ayay aheyd markii diyaarad laga lahaa Ruushka ay ku bur burtay gacanka Sinai ee dalka Masar, iyadoo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in walxo qarxa oo lagu qariyay diyaarada lagu soo riday, waxaana sheegatay Daacish.

bamka (4) bamka (3) bamka (2) bamka (1)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip