
Weerar xagga cirka ah oo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbullah (SAWIRRO)
Ururka Xisbullah, ayaa waxaa uu xaqiijiyay dilka Samiir Qantar, waxayna dilkiisa dusha kaga tuureen Maamulka Israel. Israel ayaa weeraro dhinaca cirka ah ka waday dalka Suuriya, tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen dagaalada sokeeye.
Israel, ayaa ninkaasi ka sii deysay xabsi ku yaala Deegaanka Druze, sanadki 2008-da. Sii deysmadiisa waxay qayb ka ahayd isku bedelasho maxaabiis, wixii xilligaasi ka dambeeyayna wuxuu ka tirsanaa Xisbullah.
Golaha Wasiirada Israel, ayaa maanta soo dhaweeyay wararka sheegaaya in ninkaasi lagu dilay weerar dhinaca cirka ah, oo loo fishay inay gaysatay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Israel, laakiin waxay ka gaabsadeen in Israel ka dambeysay weerarkaasi.
Samiir Qantar iyo boqolaal dagaal-yahano oo uu horkacaayay, ayaa ka barbar dagaalamaayay Ciidanka Dowladda Suuriya, iyagoona u istaagay difaaca Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Bashar al-Assad.
Bishii September, ayay ahayd markii Xukuumadda Washington ay ninkaasi ku sheegtay inuu argagaxiso yahay. Washington waxay la dagaalan kula jirtaa dhinacyada taageeraaya Xukuumadda Damascus.


0 




Weerar xagga cirka ah oo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbullah (SAWIRRO)
Weerar dhinaca cirka ah, ayaa waxaa saacadihii hore ee Axada maanta ah lagu dilay Samiir Qantar, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbullah oo fadhigiisu uu yahay dalka Lubnaan.