Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hadlaya Sharciga Been Xalaaleynta

0
Monday December 21, 2015 - 11:27:55 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hadlaya Sharciga Been Xalaaleynta

    Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa kulankooda waxa ay uga hadlayaan Sharciga Been Xalaaleynta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa kulankooda waxa ay uga hadlayaan Sharciga Been Xalaaleynta. Akhrinta Saddexaad ee Sharciga Been Xalaaleynta ayeey guda galayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sharcigaan soo diyaariyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Sida Sharciga ah sharci waliba oo Baarlamaanka Soomaaliya la hor keeno waxa uu maraa heerar kala duwan oo gaaraya ilaa saddex Akhrin, ka dibna waxaa loo gudbaa in cod loo qaado oo la ansixiyo ama la diido.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah Habdhowraha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay kulanka maanta Xildhibaannada ay yeelanayaan in Ajandaha uu sharcigaasi yahay.

"Waxaa ku jira kulanka baarlamaanka, sida aad ka warqabtaan marka hindise sharciyeed baarlamaanka la horkeeno, waxa uu soo maraa marxalado kala duwan oo akhrinta ah, ajandaha kulanka maanta waxa uu yahay in la guda galo akhrinta saddexaad ee sharciga been xalaaleynta ay soo diyaariyeen Guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waayihii dambe ku guda jiray meel marinta iyo ka hadalka Sharciyo kala duwan oo muhiim u ah dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip