Dowladda Federaalka Somalia oo Guddoomiye Cusub u Magacowday Maamulka Gobolka Hiraan
Warar soo baxay maanta ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u magacaawday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo horay labo jeer guddoomiye uga soo noqday gobolka.
Mid
ka mid ah saraakiisha xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa HOL u
sheegay in shir goor-dhaw ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif
ee magaalada Beledweyne ay wafdigii ka socday dowladda Somalia ku
shaaciyeen in maanta laga billaabo uu Gobolka Hiiraan guddoomiye k yahay
Yuusuf Daba-geed.
![]() |
Sidoo kale warka arrintaan ku saabsan waxaa HOL u xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasada iyo ammniga gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim C/llaahi oo sheegay in lagu soo war-galiyay magacaabista guddoomiyaha cusub.
Yuusuf Dabo-geed oo markii saddexaad guddoomiye ka noqonaya gobolka ayaa badalaya guddoomiyihii hore ee gobolka, C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho u jooga baaritaanka kiiska la xiriira sarkaal ka tirsanaa hay’adda QM ee UNMASS oo bishii hore lagu dilay Beledweyne.
XIGASHO;-HIIRAAN.COM

0 