
Xafladda Cayaaraha HIRDA iyo Abaal-marinta Sannadka oo lagu qabtay dalka Holland (SAWIRRO)
Khudbadihii ay madaxda Soomaalida ka jeediyeen ayaa muhiimadooda kusoo biyo shubanayeen mahadnaqa iyo dadaalka 11 sano ay Hay'adda HIRDA ugu jirtay horumarinta dhalinyarada iyo kor u qaadista hamiga dhalinta Soomaaliyeed ee ciyaaraha jecel.
RW hore ee Somalia, C/weli Sheekh Axmed, ayaa khudbad uu ku dheeraaday ugu waramay muhiimada ay leedahay in bulshada la isu keeno, loona qabto tartamo kuwaan la mid, taasoo meesha ka saaraysa kala qeybsanaanta iyo isku xir-naan la'aanta bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in Hay'adda HIRDA maqal hore uu u maqlay in ay hoggaamiso qof dumar ah, taasoo buu yiri maanta in 11 guuradeedii la isugu yimaado, dumarkana ay ka duwan yihiin ragga, wuxuuna ugu mahad celiyay Agaasimaha Hey'adda HIRDA Dr. Faadumo Faarax iyo howlwadeenada la shaqeysa dadaalka ballaaran oo ay ugu jiraan dhiiri gelinta bulshada ku nool Yurub.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa isna ka hadlay xafladda isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay xafladan iyo tartanka ay Hirda u qabato dhalinyarada, wuxuuna tilmaamay in Spoortigu uu yahay caafimaad, bulshadana ka suulinaaya qabiilka iyo waxyaabaha xun xun ee dib u dhaca iyo kala fogaanshaha u keenaya.
Tarsan wuxuu ugu mahad celiyay Hey'adda HIRDA dadaalka ay 11 sano ugu soo jireen in la helo bulsho caafimaad qabta, isagoo ku booriyay in ay sii xoojiyaan tartamada noocaan ah si loo helo ciyaaryahano Soomaaliyeed oo caalamka ka dhex muuqda.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi ayaa isna hadalo qiiro badan leh ka jeediyay munaasabada furitaanka tartanka cayaaraha HIRDA, isagoona ku dheeraaday in Soomaalida looga baahan yahay inay muujiyaan isku xirnaan si loo gaaro hiigsiga iyo mustaqbalka Soomaali dhab ah oo isku xiran.
Ka sokow xaflada Furitaanka Cayaaraha HIRDA AFT 2015, waxaa sanadkaan ay hey'adda abaal marisay, shaqsiyaad lagu abaalmariyay howlaha ay bulshada u hayaan, iyadoona abaalmarintaasi loogu magacdaray, (HIRDA Achievers Award), waxana dadkii halkaasi lagu abaalmariyay oo nasiibka u helay in ay helaan Abaalmarinta sanadka ee HIRDA ka mid ahaa;
1. Omar Muunye, oo ah wiil dhalinyaro, isla markaana shirkad sameysa boorsooyinka ku leh wadanka Netherlands, kaasi oo guulo ka gaaray dhinaca Ganacsiga.
2. Wariye, Abdisalan Hareri, oo ah rug cadaa dhinaca Saxaafada ayaa isaguna halkaasi lagu guddoonsiiyay Abaalmarin loogu gartay howlaha uu ka hayo dhinaca Warbaahinta.
3. Yaasmiin Ali Alas, oo ah gabar Soomaaliyeed oo buugaag dhowr ah ku qortay Afka Dutch-ka, ayaa iyaduna halkaasi lagu abaalmariyay.
4. C/qaadir Wardheere, oo ah farshaxaniista, dhinaca sawir gacameedka ku cabira dhaqanka iyo Wadaniyada, ayaa Abaalmarinta sanadka ee HIRDA la guddoonsiiyay.
5. Axmed Warsame oo ah Halyey Soomaaliyeed, Muwaadin u istaagay Bad-baadinta Safaarada iyo gurigii Safiirka ee dalka Beljium ayaa halkaasi lagu Abaalmariyay, waxaana wax-qabadkiisa iyo howlaha uu bulshada u haayo halkaasi kusoo bandhigay Danjire Cali Saciid Faqi.
Danjirihu wuxuu sheegay in muwaadin Axmed Warsame uu muddo 30 sano ka badan u taagnaa difaacida calanka Soomaaliyeed, isagoo ka tirsan shaqaalaha Safaaradda, oo xitaa maskaxdiisa ku beelay ilaalinta hantida qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha safaaradda iyo qasriga safiirka loogu talagalay in uu dego.
Axmed Wrsame oo goobta lasoo istaajiyay ayaa dadkii kasoo qeybgalay ka ilmeesiiyay, markii uu is celin waayay, waxaana uu isagoo qalbigiisa badalan mar qura usoo wada istaagay mas'uuliyiintii xaflada kasoo qeybgalay, iyagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya madaxdeeda in Axmed loo sameeyo astaan lagu xasuusto maadaama hantidiisa iyo maskaxdiisa ku bixiyay difaacida safaaradda Soomaaliya ee Brussels.
Dhinaca kale, Dood ku saabsaneed dhinaca Isboortiga oo uu daadihenayay Wariye C/salaan Hareeri, ayaa munaasabada lagu soo bandhigay iyadoona doodaasi lagu soo qaatay horumarka Isboortiga iyo qaabka looga qeyb qaadan karo, waxaana ka qeybgalay, Duqii hore ee Muqdisho Maxamed Axmed Nuur Tarsan, Macalin Xasan Faarax Joon, Istaahil, Axmed Shell iyo Faadumo farax, waxaana la isku weydaarsaday fikrado kala duwan iyo qaabka loo heli karo ciyaartooy tayo leh oo awoodii ciyaareed ee Soomaaliya laheyd soo celin kara.
Ugu danbeyntii waxaa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dhalinyaro ku fir-fircoon cayaaraha Orodada oo ku nool dalka Holland, kuwaasi oo horey ugu qeyb galay tartamada cayaaraha Fudud oo ay qabato Hey'adda HIRDA, waxaana shahaado sharafta lagu dhiirri-gelinayay cayaaryahanadaas bixiyay, Bashiir Cabdi oo ah cayaaryahanka heysta orodka dheer ee dalka Beljium.
Xafladda Cayaaraha HIRDA iyo Abaal-marinta Sannadka oo lagu qabtay dalka Holland (SAWIRRO)
Xaflad lagu Furayay Cayaaraha Xagaaga ee HIRDA AFT 2015-ka, ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland. iyadoo sanadkan uu noqonaya kii 11-aad, isagoona aad ugu duwanaa sanadihii hore marka la fiirayo qaabka qaban qaabada iyo barnaamijyada