
Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledweyn
Sida ay sheegayaan wararkaMadaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya safarkiisa wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, Guddoomiyaha Cusub Yuusuf Dabageed, kaasoo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho markii la magacaabay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha ay la xiriirto arrimaha nabadeynta iyo adkeynta heshiiskii dhowaan la kala dhex dhigay beelihii ku dagaalamay galbeedka magaalada Beledweyn, iyadoo wali magaalada ku sugan yihiin Wafdi Wasiiro ah oo ku baxay xalinta colaadii ka jirtay magaalada.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha ayaa ka qeyb geli doona munaasabad ay xilalka ku kala wareegayaan Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore
Madaxweynaha ayaa la kulmi doona odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, isagoo kala hadli doona arrimaha dib u heshiisiinta, ammaanka iyo siyaasada, iyadoo dhowaan lagu wado in maamul loo dhiso Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Booqashada Madaxweynaha ee Beledweyn ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maalmihi u dambeeyay magaalada Beledweyn ka taagnaayeen xiisad ka dhalatay dilka Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey, kaasoo dilkiisa lagu eedeeyay Ilaalada Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, waana sababta xilka looga qaaday.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha uu soo saaray wareegto uu ku magacaabay Caasimada Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo noqotay degmada Buulo Burde, halka degmada Jowhar ay noqotay halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledweyn
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiran, maalin ka dib markii wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay Guddoo