BELEDWEYNE: Wasiirro ka Qayb-galay Xuska 72-guuradii aasaaska booliska Somalia (Sawirro)

0
Sunday December 20, 2015 - 19:56:51 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BELEDWEYNE: Wasiirro ka Qayb-galay Xuska 72-guuradii aasaaska booliska Somalia (Sawirro)

    Xubno ka socday labada gole ee dowladda Somalia, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan , saraakiil iyo marti-sharaf kale ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb-galay xuska munaasabada 72 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada booliisk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka socday labada gole ee dowladda Somalia, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan , saraakiil iyo marti-sharaf kale ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb-galay xuska munaasabada 72 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada booliiska Soomaaliyeed.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Munaasabada oo lagu qabtay gudaha xarunta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne, ayeey ciidammada ku soo bandhigeen dhuultus iyo gaadda-ka-cayaar siweyn u soo jiitay mas'uuliyiintii kala duwanaa ee ka qeyb-galay munaasabada.

Taliyaha qeybta booliiska Somalia ee gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali C/lle oo ka hadlay munaasabadda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay marxaladii kala duwaa oo ay soo marreen ciidamada booliiska Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo sida uu sheegay bilihii ugu danbeeyay lagu wadday dib - u-dhis, wuxuuna ku daray intaas in hadda ciidanka booliiska gobolka Hiiraan marayaan heerkooddii ugu wanaagsanaa, inkastoo wali ay jiraan baahiyo kala duwan oo dhinaca tayeeynta ah.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyeeyay guud ahaan ciidammada booliiska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ciidammada ku sugan gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in wasaarradiisu badan ka qabtay kana qaban doonto tayeeynta iyo dib-u -dhiska ciidamada booliiska oo ah astaanta nabad-galyada guddaha.

Sidoo kale, wuxuu wasiirku ka dalbaday taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Hiiraan inuu u soo gudbiyo baahiyaha kala duwan ee heysta ciidamada booliiska iyadoo wasaarraddu sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban-doonto.

Ugu danbeyn, dhamaan mas'uuliyiintii kala duwanaa ee ka hadallada ka jeediyay xafladda ayaa u hambalyeeyay ciidamada booliiska Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan.

XIGASHO;-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip