
Shabaab oo weerar Dhimasho sababay ka fuliyay dalka Kenya
Weerarka wuxuu si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaan Dabacity oo ah duleedka Degmada Mandheera, kadib markii rag hubaysan oo la aaminsan yahay inay Shabaab yihiin wadada ay u galeen gaarigaan oo ay rasaaseeyeen.
Guddoomiyaha Deegaanka Dabacity Yunis ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana uu sheegay falkaasi inay ka dambeeyeen Ururka Al Shabaab.
Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in hada ay laamaha amaanka ku raad joogaan raga weerarkaasi geystay.
U qaabilsanaha dhanka ammaanka Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya Mohamed Salah ayaa dhankiisa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, waxaana uu sheegay inay baarayaan.
Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan ku qoray inay ka dambeeyeen weerarkaasi oo ay ku dileen Saraakiil Kenyan ah.
Shabaab oo weerar Dhimasho sababay ka fuliyay dalka Kenya
Ugu yaraan labo ruux ayaa geeriyootay, kadib markii weerar lagu qaaday Gaari bas ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, meel ku dhaw Magaalada Mandheera, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.