
Laba nin oo u shaqaynaayay Dowladda Somaliya oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho
Weerarka hore oo ka dhacay Degmada Wadajir, ayaa waxaa lagu dilay C/laahi Muumin, kaasoo dhawaan ka shaqo bilaabay Bankiga Dhexe Soomaaliya.
Weerarka labaad oo ka dhacay wadada Taleex ee Degmada Hodan, ayaa lagu dilay C/risaaq C/qaadir, markii gaari uu watay lagu horgeeyay gaari kale. Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in C/risaaq uu ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida.
C/risaaq waxaa uu dhawaan ka soo laabtay dalka dibadiisa. Nabad Suggida kama hadlin tallaabada maanta lagu dilay ninkaasi, walow aanba Nabad Suggida looga baran inay ka hadasho dilalka loo gaysto xubnaha ka tirsan.
Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaaya weerarada ay ka gaysanayaan xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo beegsi joogto ihi ku haaya Saraakiisha Dowladda Soomaaaliya.
Weerarada ka dhacaaya Caasimadda, ayaa waxay ku soo aadayaan, iyadoo diyaargarow loogu jiro noocii ay noqon laheyd doorashada lagu wado in sanadka soo socdo ay ka qabsoomto dalka.
Laba nin oo u shaqaynaayay Dowladda Somaliya oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho
Laba nin oo u shaqaynaayay Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay baxsadeen kuwii dilalkooda ka dambeeyay.