
15 ruux oo ku dhaawacmay qarax ka dhashay Bas ka mid kuwa ka shaqeeya Nayroobi
Baabuurta gurmadka deg dega oo gaaray goobta ayaa qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaas, waxaana loola cararay Isbitaalka Kenyatta National Hospital iyo isbitaalo kale oo ka ag dhow halka qaraxa ka dhacay
Goob joogayaal ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu ka dhashay qof sitay jeerigaan shidaal ah oo saarnaa gaariga.
Taliyaha Booliska Nayroobi Japeth Koome ayaa sheegay in aanay ogeyn waxa sababay qaraxa, hase ahaatee ay baarayaan.
Dhinaca kale Kaniisad ku taal deegaanka Kutus ee gobolka Kirinyaga ee dalka Kenya ayaa laga helay waxyaabaha qarxa (IED), iyadoo boqolaal ruux ay isu diyaarinayeen in shalay oo Axad aheyd ay kaniisadaas ku cibaadeystaan.
Waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu dhex qariyay miis hoostiisa, iyadoo ay arkeen dad ka mid ah kuwii ku cibaadeysanayay, waxaana goobta ay noqotay mid jahwareer ah, laguna kala cararay.
Booliska ayaa qarxiyay waxyaabaha qarxa, iyadoo dadkii faraha badnaa ee ku cibaadeysanayay laga daad-gureeyay goobta, markii la helay waxyaabaha qarxa.


0 




15 ruux oo ku dhaawacmay qarax ka dhashay Bas ka mid kuwa ka shaqeeya Nayroobi
Illaa 15 ruux oo rakaab ah ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay mid ka mid ah Basaska ka shaqeeya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu ahaa qaraxa. Qaraxa ayaa ka dhex dhacay gudaha gaariga dadweynaha ee loo