In ka badan 10 qof oo maanta lagu dilay Caasimadda Wadanka Jabuuti

0
Monday December 21, 2015 - 18:32:21 in Wararka by
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan 10 qof oo maanta lagu dilay Caasimadda Wadanka Jabuuti

    In ka badan 10 qof oo shacab u badan, ayaa waxaa maanta lagu dilay Magaalada Djibouti, ka gadaal markii iska horimaad ay la galeen Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 10 qof oo shacab u badan, ayaa waxaa maanta lagu dilay Magaalada Djibouti, ka gadaal markii iska horimaad ay la galeen Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti. Ciidamada Booliska, ayaa saakay weerar ku qaaday goob ay ka socotay Xuska Mowliidka Nabiga (NNKH), iyadoo ay Boolisku iska caabin xoogan kala kulmeen dadkii ay ugu taggeen halkaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jabuuti, C/laahi Cabdi Faarax, ayaa wuxuu xaqiijiyay in ay Ciidamada Boolisku ay gaareen goobtaasi, balse ay ugu taggeen wax aanay ka filleynin.

Taliyaha, ayaa sheegay in dad la soo abaabulay ay dagaal kala horyimaadeen Ciidanka Booliska, isla-markaana ay Boolisku iska caabin sameeyeen.

Taliyaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa waxaa uu sheegay in mucaaradku ay soo abaabuleen dadkaasi, wuxuuse ku cago jugleeyay inay Maxkamad la tiigsan doonaan.

Mid ka mid ah Ciidamada Booliska, ayaa waxaa la sheegay in iska horimaadkaasi uu ku dhintay, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip