
Barre Hiiraale oo lagu wado inuu shir kaga qaybgalo Magaalada Kismaayo
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Barre Hiiraale uu tagaayo Magaalada Kismaayo oo shirkan lagu qabanaayo, ka dibna ay kulmi doonaan Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Barre Hiiraale oo ay kawada hadlayaan sidii loo xallin lahaa Khilaafaadka taagan.
Kismaayo hadda waxaa ku sugan Ergo Odayaal ah oo uu Wakiishay Barre Hiiraale, kuwaasi oo Maamulka Jubbaland ay uga wada hadlayaan arrinta ku aaddan tagitaanka Magaalada iyo in wax amnidarro ah aysan ka dhicin Magaalada.
Aadan Axmed Xuseen oo ka mid ah Saraakiisha Jubbooyinka ayaa sheegay in Shirkaasi uu yahay mid lagu doonaayo in meesha looga saaro Khilaafaadka ka taagan Dhismaha Maamulka Jubbaland.
Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Barre Hiiraale la dejinaayo Guriga Martida ee Magaalada Kismaayo haddii la isku raaco tegitaankiisa Magaalada Kismaayo.
Dhawaan Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa kulan aanan la ogeyn waxa ay uga wada hadleen waxa uu ku dhexmaray Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Place ee Magaalada Muqdisho.
Barre Hiiraale oo lagu wado inuu shir kaga qaybgalo Magaalada Kismaayo
Warar soo baxaya ayaa sheegayaa inay socoto qaban qaabada shir ku aadan isfahan dhexmara Barre Aadan Shirre {Barre Hiiraale} iyo Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin ee ay ku kala aragtida duwan yihiin Dhismaha Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yaha