Wararka

Maamulka G/Banaadir oo bilaabey qorsho looga hortagayo Coronavirus

0 Visits: 302 | Tuesday March 17, 2020 - 22:26:58
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo Warbaahinta kula hadashay Xafiiskeeda ayaa waxa ay sheegtay in la sameeyay goobo loogu talagalay in lagu karan tiilo laguna daaweeyo dadka looga Shakiyay ama uu kudhaco Cudurka Coronaviruska oo kiiskii ugu…

Read More »

Shiinaha oo ka carrooday magac uu Trump u bixiyey Coronavirus

0 Visits: 222 | Tuesday March 17, 2020 - 22:26:04
Shiinaha iyo Mareykanka ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul kadib markii Beijing ay ka carrootay in madaxweyne Trump uu cudurka Coronavirus ugu yeeray magac cusub oo ah "Fayruska Shiinaha." "Dowladda Mareykanka waxay si awood leh u taageeri doontaa ganacsiyada, sida diyaaradaha iyo kuwa kale…

Read More »

Somaliland oo hakisey duulimaadyada uga yimaada Muqdisho

0 Visits: 314 | Tuesday March 17, 2020 - 22:24:56
Guddiga qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa ay Maanta soo saareen go'aano culus oo looga hortagayo in uu Cudurkaas gaaro deegaannada Soomaaliland. Go'aanadaan oo gaaraya lix ayaa ku socda goobaha waxbarashada…

Read More »

Sababta Diyaaradda Turkish Airlines u joojisay duullimaadyadii Muqdisho?

0 Visits: 173 | Tuesday March 17, 2020 - 22:23:08
Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ee laga leyahay Dalka Turkiga ayaa shaacisey inay joojisey duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Istanbuul sababo la xiriira Cudurka Coronavirus. Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisey in muddo todobaad ah ay hakin doonaan duulimaadyadii Muqdisho…

Read More »

Jilaa qaba gabar Soomaaliyeed oo laga helay Coronavirus

0 Visits: 239 | Tuesday March 17, 2020 - 10:28:03
Jilaaga caanka ah ee Idris Akuna Elba ayaa xaqiijiyey in laga helay cudurka Coronavirus, kadib baaritaan lagu sameeyey. Elba oo u dhashay dalka Britain ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kaga hadlay xaaladdiisa caafimaad, wuxuun sheegay inuu wanaagsan yahay, balse la karantiilay.

Read More »

Turkish Airlines oo joojisay duulimaadyadii Soomaaliya

0 Visits: 223 | Tuesday March 17, 2020 - 10:24:34
Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay qaaday tallaabo ay si ku-meel-gaar ahi ugu joojineyso duulimaadyadeedii Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii la xaqiijiyay in hal qof laga helay caabuqa Coronavirus. Tallaabadan ayaa ka dambey kadib amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista…

Read More »

Faah Faahin ka soo baxaya dilka Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool

0 Visits: 239 | Tuesday March 17, 2020 - 10:23:00
Kooxo Hubeysan ayaa xalay koofurta magaalada Laascaanood ku dilay Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Read More »

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo boggaadiyay howlgalkii Ciidanka kula wareegeen Janaale

0 Visits: 230 | Tuesday March 17, 2020 - 10:13:10
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay howlgalkii u danbeeyay ee Ciidamada Xoogga dalka ay ku qabsadeen deegaanka Janaale ee gobolka Sh.Hoose, halkaasoo fariisin weyn u eheyd Shabaab.

Read More »

Canada oo dalkeeda ka mamnuucday ajaaniib badan

0 Visits: 219 | Tuesday March 17, 2020 - 10:08:18
Ra'iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa laga mamnuucay inay galaan dadka ajaaniibta ah marka laga reebo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka heysta deganaanshaha joogtada ee wadankaasi. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay xakameynta fayraska Corona.

Read More »

HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 17-MAARSO-2020

0 Visits: 1189 | Tuesday March 17, 2020 - 08:58:59
Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray caabuqa Coronavirus Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md. Max amed C/hi Farmaajo oo u diray shacabka So omaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Cor onavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go'an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaa linta badqabka caafimaad ee dalka.…

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo joojisey duulimaadyada Caalamiga ah

0 Visits: 237 | Monday March 16, 2020 - 21:48:28
Kadib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Xubnaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa lagu go'aamiyey in la joojiyo duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya iyo kuwa ka baxa. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada…

Read More »

Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo War Cusub soo saartey

0 Visits: 260 | Monday March 16, 2020 - 21:47:18
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartey talooyin la xiriira ka hortagga cudurka Caronavirus ee laga helay gudaha dalka Soomaaliya markii ugu horeysay,kuwaas oo ku wajahan Waalidiinta iyo Ardeyda Soomaaliyeed Wasaaradda ayaa soo saartey 7 Qodob oo ku saabsan Waajibaadka saaran waalidiinta…

Read More »

Laba Askari oo lagu toogtay Muqdisho

0 Visits: 280 | Monday March 16, 2020 - 18:02:11
Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu toogtay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho. Dilka labadan Askari, ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Duhurnimadan maanta, waxaana goobtaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

Read More »

Fiiri Awooda Alle iyo Isbedlka dhici karo!!!

0 Visits: 1314 | Monday March 16, 2020 - 17:47:45
1–Abu Cabdiraxman Al asam ayaa la weeydiiyay.Uunka Alle yaa agtiisa ugu yar?. waxa uu ku jawaabay: Waa Aduunyo, Alle Agtiisana kama dhamo Garab Kaneeco.

Read More »

Maanta waxaad u soo joogtay, wax ummadihii kaa horeeyaya aynan u soo joogin..!!!

0 Visits: 1160 | Monday March 16, 2020 - 17:38:22
Maanta waxaad u soo joogtay, wax ummadihii kaa horeeyaya aynan u soo joogin, wax kalena waad sugee. waxaad nooshahay waqti la leeyahay, Kacbada iyo Masjidul Qudus qofna kuma cibaadeeysan karo.( F.S: 1 & 2aad).

Read More »

Al-Siisi oo FARMAAJO ka dalbaday inuu MASAR iyo Itoobiya dhex-dhexaadiyo

0 Visits: 244 | Monday March 16, 2020 - 17:34:12
Madaxweynaha dalka Masar, Cabdifitaax Al-siisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxa med (Farmaajo) ka dalbaday inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed. Al-siisi ayaa qoraal uu Axadii soo gaarsiiyey madaxweyne (Farmaajo) ugu baaqay inuu kala…

Read More »

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Gacan ku haynta degmada Janaale.

0 Visits: 231 | Monday March 16, 2020 - 17:15:15
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ayaa la wareegay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda.

Read More »

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka+Sawirro

0 Visits: 225 | Monday March 16, 2020 - 17:07:38
Muqdisho:-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo hay'adda dhinaca horumarinta u qaabbilsan Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor loogu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale…

Read More »

Xog muhiim ah oo ay soo saartay Hay'adda UNICEF.

0 Visits: 243 | Monday March 16, 2020 - 17:05:06
Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona Virus oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii fidayaa, sidaasi awgeed waxaa lagamamaarmaan ah in la barto sida looga hortago maadama uusan laheyn daawo. Tallaabooyinkani waxa ay lagama maarmaan u yihiin qof walba, si uu uga hortago Viruska Corona…

Read More »

DF oo go'aan kasoo saartay goorta la hakinayo duullimaadyada caalamiga ah

0 Visits: 218 | Monday March 16, 2020 - 17:01:09
Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhaw shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go'aamisay in la joojiyo dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shir maanta ka dhacay xaafiiska Ra'iisul…

Read More »