Somaliland oo hakisey duulimaadyada uga yimaada Muqdisho

0
Tuesday March 17, 2020 - 22:24:56 in Wararka by
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo hakisey duulimaadyada uga yimaada Muqdisho

    Guddiga qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa ay Maanta soo saareen go'aano culus oo looga hortagayo in uu Cudurkaas gaaro deegaannada Soomaaliland. Go'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa ay Maanta soo saareen go'aano culus oo looga hortagayo in uu Cudurkaas gaaro deegaannada Soomaaliland. Go'aanadaan oo gaaraya lix ayaa ku socda goobaha waxbarashada oo la amrey in muddo Afar Todobaad ah la xiro masaajidda oo la amrey in salaada ay waqti yar kusoo koobaan, in la joojiyo kulamada isu imaatinka ah, in qodobo kale. Qoraal kasoo baxay gudiga ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in la joojinayo duulimaadyada ama socaalka dalalka laga helay Cudurka Coronavirus,kuwaas oo kala ah, Kenya Somalia, Shiinaha,Talyaaniga, labada kuuriya,Faransiiska Spain, iyo Kenya laga bilaabo 19/3/2020. Hoos Ka Akhriso Go'aanka Gudiga qaraxn ee ka hortaga Cudurka Coronavirus ee Soomaaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip