Maamulka G/Banaadir oo bilaabey qorsho looga hortagayo Coronavirus

0
Tuesday March 17, 2020 - 22:26:58 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir oo bilaabey qorsho looga hortagayo Coronavirus

    Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo Warbaahinta kula hadashay Xafiiskeeda ayaa waxa ay sheegtay in la sameeyay goobo loogu talagalay in lagu karan tiilo laguna daaweeyo dadka looga Shakiyay a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo Warbaahinta kula hadashay Xafiiskeeda ayaa waxa ay sheegtay in la sameeyay goobo loogu talagalay in lagu karan tiilo laguna daaweeyo dadka looga Shakiyay ama uu kudhaco Cudurka Coronaviruska oo kiiskii ugu horeeyay qof qaba lagahelay Muqdisho. Waxa ay sheegtay in maamulka gobolka banaadir ay bilaabaayaan ka wacyi galinta shacabka Muqdisho si ay uga hortagaan faafitaanka Cudurka Coronaviruska. Waxa ay intaa ku dartay in ay ka hergalinayaan xarumaha degmooyinka iyo xarunta maamulka gobalka banaadir goobo loogu talagalay in lagu dhaqdo gacmaha maadama ay yihiin goobo loogu adeego bulshada. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in aan lagaarin heer la joojiyo waxbarashada , jaamacadaha , iskuulada iyo dugsiyada ku yaalla gobalka Banaadir maadama hal kiis kaliya oo cudurka Coronavirus ah dalka laga ahelay, qofka cudurkaas qabayna uu karan tiilanyahay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip