Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Gacan ku haynta degmada Janaale.

0
Monday March 16, 2020 - 17:15:15 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Gacan ku haynta degmada Janaale.

    Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ayaa la wareegay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ayaa la wareegay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada Dawladda ayaa hawlgalkooda bilaabay maalintii Axadda ee shalay iyagoo ka dhaqaaqay degmada Awdheegle.


         Ciidamada ayaa si taxadar leh ku socda iyagoo mararka qaar gaadiidka ka dagaya si ay u hubiyaan minooyinka dhulka lagu aaso oo ay Al-Shabaab u isticmaalaan inay ku qarxiyaan ciidanka kuna hor istaagaan socodkooda.

  

       Saraakiisha ciidanka oo ay soo xigeynaysay warbaahinta dawladda ayaa sheegaya in ujeedka hawlgalku yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Janaale oo ah xarun muhima oo ay ka soo abaabullaan weerarrada ay ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.



       Sidoo kale waxa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-Shabaab. 

         Toddobaakii hore duqeyn uu Maraykanku ka fuliyay Janaale waxa uu sheegay inuu ku dilay shan ka tirsan waxa uu ugu yeeray argagixisada inkastoo warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay sheegeen in dadka weerarkaasi lagu dilay ay ahaayeen rayid.

           Dhawr Jeer oo hore ayay ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen Janaale balse dib ayay uga gurteen taasoo keentay inay dib u qabsadaan Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip