Ra'iisul Wasaare Kheyre oo boggaadiyay howlgalkii Ciidanka kula wareegeen Janaale

0
Tuesday March 17, 2020 - 10:13:10 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo boggaadiyay howlgalkii Ciidanka kula wareegeen Janaale

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay howlgalkii u danbeeyay ee Ciidamada Xoogga dalka ay ku qabsadeen deegaanka Janaale ee gobolka Sh.Hoose, halkaasoo fariisin weyn u eheyd Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay howlgalkii u danbeeyay ee Ciidamada Xoogga dalka ay ku qabsadeen deegaanka Janaale ee gobolka Sh.Hoose, halkaasoo fariisin weyn u eheyd Shabaab.

                                   "Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Shabaab looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Kheyre.

                        Mr. Kheyre oo fariintan soo dhigay bogiisa Facebook, ayaa tilmaamay in guushan ay timid kadib dib u habeyn lagu sameeyay Ciidamada, isagoo sheegay iney sii socon doonaan howlgalada Shabaab ka dhanka ah.

                          "Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga saaro dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

                  Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku sii daray in dhamaan deegaanada cusub ee la xoreynayo ay geynayaan Ciidamo boolis ah oo amaanka durba la wareega iyo maamuladii dowladda, si loo sii daadajiyo adeegyada ay dowladda u heyso bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip