DF oo go'aan kasoo saartay goorta la hakinayo duullimaadyada caalamiga ah

0
Monday March 16, 2020 - 17:01:09 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo go'aan kasoo saartay goorta la hakinayo duullimaadyada caalamiga ah

    Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhaw shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go'aamisay in la joojiyo dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala. Wasiir Oomaar aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhaw shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go'aamisay in la joojiyo dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shir maanta ka dhacay xaafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre lagu go'aamiyey in mudo 15 cisho ah la joojiyo duullimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala, laga bilaabo dhammaadka maalinta 18-ka bisha Maarso.

            Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono guud ahaan dalka. isla markaana ay dowladdu fasixi doonto oo kaliya duullimaayada ka shaqeynaya arrimaha bini’aadanimada iyo gargaarka hadii loo baahdo.

              Go’aankaan ay ku dhawaaqday xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli gaar dhaw wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay in qof qaba Coronavirus Muqdisho lagu hayo, kaas oo ka dhigan kiisii ugu horeeyey ee cudurkaas ah oo lagu arkay gudaha dalka.

Halkan ka Daawo

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip